Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Guddoomiyaha Ceel-Cadde oo la Dhaawacay

$
0
0

525EDC09-59FA-4C37-B00C-CFD581A40448_w640_r1_s_cx12_cy9_cw83
Cabdi Cali Cabdi ayaa waxa uu ku dhaawacmay qarax lala eegtay gaari uu saarnaa oo marayey deegaanka Likooleey ee gobolka Gedo.
Guddoomiyaha Degamada Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo Cabdi Cali Cabdi Qoorleex ayaa ku dhaawacmay qarax lala eegtay gaari uu saaraa oo marayay meel ku dhow deegaanka Likooleey.

Gudoomiyaha ayaa la socday ciidamada Kenya ee shalay ka guuray saldhigoodii Ceel-Cade ee dhawaan ay ku weerareen maleeshiyada Al-Shabaab.

Axmed Buulle Maxamed oo ah guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo ayaa VOA u xaqiijiyey in guddoomiyaha Ceel-Cadde uu labada lug ka dhaawacmay.

Ciidamada Kenya ee guddoomiyaha uu la socday ayaa waxaa sidoo kale lagu qaaday dagaal jidgal ah oo ay maleeshiyada Al-Shabaab ay ku lug lahaayeen, xilli ay marayaan deegaanka Likooleey oo 40 KM u jira deegaanka Ceel-Cadde.

Dhinaca kale, ciidamadii shalay dagaal xooggan la galay maleeshiyada Al-Shabaab oo jidka u galay ayaa maanta gaaray deegaanka Dhamase.

Warbixintan waxaa Kismaayo kasoo diray Khadar Maxamuud Xareed.

Awdalpress.com

The post Guddoomiyaha Ceel-Cadde oo la Dhaawacay appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles