Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Daawo:Qorshihii Xassan Sheekh oo hirgalay, A/Madoobe & Gaas oo isi salaamin & Beesha Daarood

$
0
0

m6-768x512
Iyadoo madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu muddo badan ku taamaayay ka guuleysiga madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Jubbaland iyo SSDF, ayaa waxaa iminka u suuragashay kala jabinta labadaasi mas’uul.
Madaxweyne Xassan oo adeegsanaaya taatiko kaduwan tii hore ayaa waxaa u suuragashay inuu isku jabiyo Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas oo wakhtigooda ugu badan ku lumiyay burburinta Siyaasada Xassan Sheekh u suuragalin laheyd in mar kale uu dib ugu soo laabto kursiga isaga oo adeegsanaaya nidaamka soo jireenka ah ee 4.5.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa taageeray in madaxweyne Xassan Sheekh uu Xildhibaanada cusub kusoo xulankaro 4.5, si ay ugu sahlanaato dib usoo laabashadiisa, halka C/wali Gaas uu arrinkaasi ka hor imaaday taasi oo raja beel ku riday Siyaasadii ay is weydaarsanayeen labada mas’uul.
Warar hoose oo aan iminka ka heleyno ilo ku dhow dhow Axmed Madoobe ayaa sheegaya in tan iyo markii labada madaxweyne Goboleed ay ku kala jabeen nidaamka 4.5 aysan wada kulmin taasi oo ka dhigeysa in fashil uu ku imaaday qorshihii ay la yimaaden magaalada Muqdisho.
Dhanka kale, Madaxweyne Xassan oo iminka loo hirgaliyay rabitaankiisa ayaa waxa uu wajigaani kan xiga xooga isugu geyn doonaa sidii uu isaga horqaadi lahaa caqabadaha kale ee ku horgudboon
Awdalpress.com
Finland
Haashi Mahamuud Ahmed

The post Daawo:Qorshihii Xassan Sheekh oo hirgalay, A/Madoobe & Gaas oo isi salaamin & Beesha Daarood appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles