Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweynaha Soomaaliya

$
0
0

Hoggaamiyayaasha Midowga Afrika ayaa ku heshiiyay in ergo loo diro dalka Burundi si ay ugu qanciyaan madaxweynaha dalkaasi Burundi inuu ogalaado in ciidamo dalkiisa la geeyo.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxammud ayaa shirgudoomiyay kulan khaas ah oo looga hadlayay arrimaha Burundi.
Haddaba Weriyaha BBC-da Maxamuud Cali oo ku sugan Addis Ababa oo arrimo badan ka waraystay madaxweynaha ayaa marka hore weydiiyay sababta Midowga Afrika aysan ciidamo nabad ilaalin ah ugu direynin dalka Burundi.

130525105826_au_summit_512x288_afp
Afhayeen u hadlay Ururka Midowga Afrika ayaa sheegaya in ciidamo Nabad Ilaalin ah aysan u diridoonin dalka Burundi ilaa inta dowladda ay bedeleyso mowqfikeeda oo ay ogolaaneyso in ciidamo la geeyo.
Ergeyga Gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika oo gobolka Harooyinka Waaweyn, Ibrahima Fall ayaa sheegay in aysan marnba hore u aheyn qorshaha Ururka Midowga Afrika in ay ciidamo Nabad Ilaalin ah geyso dalkaasi dowladda oo ogolaate mooyee.
Kulanka madaxda Ururka Midowga Afrika ayaa looga baaraandegayaan in ciidamo nabad ilaalin ah oo gaaraya 5 kun oo askari in loo diro dalka Burundi si la isugu dayo in la joojiyo rabadaha Burundi ka socodo mudo bilo ah.
Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa sheegaya in uu arkayo colaad haddii ay ciidamo ka socda Ururka Midowga Afrika soo farogaliyaan dalkiisa.
Go’aanka Mr. Nkurunziza uu sanadkii hore ku gaaray in uu xili seddexaad u tartamo jagada madaxtinimada ayaa kiciyay rabshadaha hadda jira kuwaas oo ay lagu dilay in ka badan boqolaal qof oo rayid ah.
Awdalpress.com

The post Madaxweynaha Soomaaliya appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles