INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.
Reer Sh. Omer Goth meel kasta oo ay dunida ka joogaan waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehadii uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Mohamed Ismail oo ku magac dheeraa Hoosu-jeed. Marxuumka oo maanta ku geeriyooday laguna aasayo magaalada Borama ee gobolka Awdal, ayaa intii muddo ahba waxa uu ku xanuunsanayey magaalada Borama.
Marxuum Mohamed Ismail ayaa ahaa oday qaaliya, taariikh dheerna ku lahaa Somaliland iyo Djabouti illaa iyo wakhtigii gumaystaha. Waxana uu ka mid ahaa dadka fara ku tiriska ah ee da’diisa ka sii nool.
Allaha u naxariisto Marxuum Mohamed Ismaile, waxanan Ilaahay uga baryeynaa in uu Jannadii ka waraabiyo, eheladiisii oo ay carruurtiisu ugu horreeyaanna uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Aaammiin
The post Tacsi tiiraanyo leh oo ku socota eheladii marxuum Mohamed Ismail Wabari ( Hoosu-Jeed ) oo ku geeriyooday Borama. appeared first on Awdalpress.com.





