
finland(Awdalpress.com) cali guray ayaa qoraal kooban soo dhigay baraha uu ku leeyahay facebook qoraalkan oo ku salaysnaa 3 qodob iyo in ka badan balse diirada ku saaray sida uu u arko arimaha soomaaliya , arimaha tiyaatarka iyo lacago uu sheegay in laga qaado xabashia dalka degan, qoraalkan ayaa u dhignaa sida tan
Bal eeg hadii aad muwaadin xalaal ah tahay sedexda arin ee maalmahan ugu hadal haynta badan oo ogow yaa run ka sheegay yaase been ka sheegaya.
1. Warqadda Wasiirka Arimaha Guduhu Muqdisho u qoray ma run baa mise waa been? Anigu waa run baan idhi haday been tahay anigaa qaldan ee ha la baadho. Lacagta laga qaado dadka Oromada u badan ee Hargeysa oo keliya ka jirtaa ma run baa mise maaha? Waa run baan leeyahay. Ma sharci baa mise maaha? Maaha ayaan leeyahay? Hadii ay been tahay ama sharciga waafaqsan tahay aniga ayaa ka been sheegay hadii kale aniga ayaa sax ah Dhulka lagu muransan yahay dhulkii Tiyaatarka Hargeysa ma ka mid yahay mise kama mid ah ee waa dhul ka baxsanaa oo u dhexeeya Tiyaatarka iyo Dawladda hoose Hargeysa?anigu waxan leeyahay waa dhul ka mid ahaa Tiyaatarka hadii aanu ka mid ahayn aniga ayaa qaldan eh bal ha baadho. Somaliland waxa sax ah kaka been sheega ka runta ka sheega ay qaldan waana xaqiiqada nidaamka dawladnimad Somaliland ee ku darso xisaabta
Awdalpress.com
Haashi Mahamuud Ahmed
Finland
The post Cali Guray Oo Dibedda Soo Dhigay Arimo Sir Ah Oo Ay Ka Mid Tahay In Xabashida Dalka Degan Lacago Laga Guro Iyo Talo La aanta reer Awdal appeared first on Awdalpress.com.






