Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Daawo sawiro:Nin Soomaali ah oo Midi ku weeraray Baar kuyaala Mareykanka kadibna la toogtay

$
0
0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar baangad loo adeegsaday oo nin Soomaali ah ku qaaday baar kuyaala magaalada Columbus ee dalka Mareykanka , waxaana weerarkaasi lagu dhaawacay afar qof .

Ninkan Soomaaliga ah ee weerarka geestay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Bare, waxa uuna weerar ku qaaday isaga oo wata baangad weyn Baar lagu magacaabo The Nazareth Mediterranean Restaurant oo kuyaala magaalada Columbus.

Maxamed Bare, ayaa baangad la dhacay qaar kamid ah dadkii baarka ka cunteenayay, waxa uuna halkaasi ku dhaawcay afar qof oo qaarkood dhaawacyo halis ah qabaan, Telefshinka CBS ayaa sheegay in weerarka kadib uu ninkan ku baxsaday gaari uu watay balse ay eryadeen ciidamada amaanka.

Ciidamada booliiska ayaa ugu dambeyn waxa ay toogasho ku dileen ninkan Soomaaliga ah ee weerarka ku qaaday maqaayad uu lahaa nin kasoo jeeda Carabta Yahuuda ah, waxaana booliiska sheegeen in ninkan uu iyana kusoo weeraray baangad sidaasna ay ku toogteen.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa qoraya in ninkan Weerarka ku aaday baarka uu doonayay in uu dilo milkiilaha baarkaasi oo lagu magacaabo Hani Baransi, hasa ahaatee milkiilaha ayaa goobtaasi ka maqnaa waxa uuna taa badalkeeda baangada la dhacay dad kale oo baarka ka cunteenayay.

Ciidamada booliiska ayaa wada baaritanao ay ku sameenayaan weerrakan loo adeegsaday baanagada ee lagu qaaday baar kuyaala Columbus, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in FBI-da Mareykanka ay horey ugu tuhunsanayaeen ninkan in uu xariir la lahaa kooxaha ay ugu yeeraan argagaxisada .

Police talk inside the Columbus, Ohio, restaurant where they say a man attacked several people with a machete on Thursday, Feb. 11, 2016. They say the man fled the scene and was later fatally shot by police. (AP Photo/Kantele Franko)

Police talk inside the Columbus, Ohio, restaurant where they say a man attacked several people with a machete on Thursday, Feb. 11, 2016. They say the man fled the scene and was later fatally shot by police. (AP Photo/Kantele Franko)

nazar_2
Awdalpress.com

The post Daawo sawiro:Nin Soomaali ah oo Midi ku weeraray Baar kuyaala Mareykanka kadibna la toogtay appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images