Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ku- Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Jan Eliasson ayaa shalay oo Isniin ahayd gaarey magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo la filayo in maanta uu ka furmayo Madasha 6-aad ee Heerka Sare ee Soomaaliya iyo waddamada/hay’adaha iskaashiga la leh ee dhinaca dib u dhiska Soomaaliya (High Level Partnership Forum).
Madasha HLPF ayaa waxaa martigelinaysa dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, iyadoo uu rasmi ahaan u furi doono Madaxweyne Recep Tayyip Erdo?an, waxaana wadajir u shir guddoomin doona Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Shirka Waxaa ka qeybgalaya in ka badan 200 oo ergo oo ka socda in ka badan 50 dal, hay’adaha caalamiga iyo hay’adaha Qaramada Midoobay.
Shirka oo socon doona muddo laba maalmood ah, ayaa waxaa qiimeyn iyo dib u eegis lagu sameyn doonaa horumarka laga sameeyay Barnaamijka Cahdiga Cusub ee Soomaaliya (the Somali Compact), kaas oo markii ugu horeysey lagu ansixiyey magaalada Brussels bishii September sannadkii 2013. Barnaamijka Cahdiga Cusub ayaa waxaa ka abuurmey iskaashi ku saleysan isla xisaabtan, wadaagidda khatarta iyo mas’uuliyadaha ee dhinacyada Soomaaliya iyo beesha caalamka si loo hago horeyna loogu dhaqaajiyo ajendaha siyaasadda, amniga iyo horumarka Soomaaliya.
Waxaaa sannadkiii hore uu barnaamijkan ku tallaabsadey horumar la taaban karo, dhinacyada siyaasadda, amniga iyo agendaha horumarinta.
Madasha Heerka Sare ee Soomaaliya iyo waddamada ay iskaashiga leeyihiin ayaa la filayaa in lagu taageero go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa sannadkan 2016-ka, inuuu ka doodo, khariiddad la isku wada raacsan yahay oo ku saabsan doorashada 2020-ka, dib u qaabeynta amniga, dardar-gelinta dadaalka dib u eegista iyo dib u qorista dastuurka federaalka, isla markaana wax laga qabto baahiyaha aasaaska u ah dhinaca horumarinta si loo xaqiijiyo mustaqbalka nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya.
Awdalpress.com
The post Shirka Heerka Sare Ee arimaha Soomaaliya Oo Maanta Ka Furmaya Istanbul iyo Ajandaha looga hadlayo appeared first on Awdalpress.com.