Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Daawo:Ayaa ka dambeeyeya Madafiicda Madaxtooyada Somalia lagu Garaacay?

$
0
0

b-2
Waxaa goordhaw ku dhawaad shan Hoobiye ay ku dhaceen xaafado katirsan Degmooyinka Howl-Wadaag iyo Wardhiigley gaar ahaan xaafado ku dhaw dhaw xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Qaar kamid ah Madaafiicda lagu tuuray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku dhacay xaafada Cago Dheeg , waxaana halkaasi ku dhintay ilaa afar qof oo la sheegay in ay u badnaayeen caruur iyo haween.
Waxaa sidoo kale madaafiicdan ku dhaawacmay dad ku dhaw 10-qof oo u badnaa dad shacab ah, oo isugu jira caruur iyo haween kuwaa oo qaarkood qaba dhaawacyo culus loona qaaday isbitaalo kuyaala Magaalada Muqdisho, waxaana laga cabsi qabaa in qasaaraha dhimasho ay sii kordhaan.

Dadka ku dhaqan Degmooyinka Howl-Wadaag iyo Wardgiigley ayaa aad uga argagacay madaafiicdan maanta kusoo dhacay xaafadahoodai, waxaana dadka ka muuqday aragagax aad u xoogan ay ka qaadeen madaafiicda iyo waliba dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay.
Qasaraha ugu badan ee ka dhashay Madaafiicdan ayaa soo gaaray qoys degnaa Xaafada Howl-Wadaag halkaas ay ku dhaceen hoobiyaasha la tuuray, waxaana dadka dhintay la sheegay in ay ahaayeen dad isku qoys ah oo hal guri kuwada noolaa.
Ma jiro ilaa hada cid sheegatay masuuliyada hoobiyaashan qasaaraha uu kasoo gaaray dadka shacabka ah ee goorhaw ku dhacay xaafado katirsan Degmooyinka Howl-Wadaag iyo Wardhiigley, sidoo kale laamaha amanaka Dowlada ayaan wali ka hadlin madaafiicdan iyo qasaaraha ka dhashay.
Madaafiicda lagu garaaco xaafadaha ku dhaw dhaw Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inta badan waxa ay qasaaro kasoo gaartaa dad shacab ah , Al-Shabaab ayaana dhoor mar sheegtay masuuliyada madaafiic lagu garaacay Villa Soomaaliya.
Awdalpress.com

The post Daawo:Ayaa ka dambeeyeya Madafiicda Madaxtooyada Somalia lagu Garaacay? appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles