Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Daawo:Khasaaraha Qaraxyo Caawa Ka Dhacay Muqdisho

$
0
0

3
Waxaa Caawa fiidkii weerar qarax gaari laga soo buuxiyay loo adeegsaday iyo mid toos ah lagu qaaday Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho , waxaan qaraxa kadib rag hubeesan ay isku dayeen in ay xoog ku galaan dhismaha Hotelka .
Qarax gaari laga soo buuxiyay ayaa lagu qarxiyay bar laga waardiyeeyo Hoyelka SYL ee magaalada Muqdisho aadna ugu dhaw halka loo yaqaan Beerta Nabad ah oo ah goob inta badan loo dalxiiso ayna dadku ku nastaan, waxaana qaraxa kadib rag hubeesan ay weerar ku qaadeen dhismaha Hotelka.’
Ciidamada ilaalada Hotelka ayaa la sheegay in ay ku guuleesteen in ay iska caabiyaan qaar kamid ah ragii damacsanaa in ay gudaha u galaan hotelka, waxaana halkaasi laga dilay xubno kamid ah ragii weerarka ku qaaday Dhismaha Hotelka.
Waxaa qadar 30-daqiiqo camal ah markii laga joogay qaraxii hore hadana dhacay qarax kale oo aad u xoogan kaa oo loo maleenayo in uu fuliyay qof ay waxyaabaha qarxa isku soo xiray , waxa uuna qaraxa ka dhacay meel ku dhaw Hotelka SYL iyo xarunta Beerta Nabada.
In ka badan 10-qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen qaraxyada caawa lagu weeraray Hotelka SYL ee ku dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, qaraxyada ayaa saameyn badan iyo waxyeelo u geesteen Beerta Nabada oo xiligasai ay joogeen shacab badan oo dalxiis u tagay.
Taliska Nabad Sugida Qaranka ayaa sheegay in ay soo afjateen howlgalkii caawa ka fuliyeen Hotelka SYL ee weerarka lagu qaaday lana dilay ragii weerarka ku qaaday hotelka, Nabad Sugida ayaana sheegtay in hada xaalada ay caadi tahay ayna gacanta ku hayaan amaanka halkii la weeraray.
Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxyadii iyo weerarkii caawa lagu qaaday Hotelka SYL oo ah hotel amaankiisa si weyn loo adkeeyo ayna daganyihiin masuuliyiin katirsan Dowlada iyo dad kale oo ajaaniib ah.

Awdalpress.com

The post Daawo:Khasaaraha Qaraxyo Caawa Ka Dhacay Muqdisho appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images