Maamulka Gobolka Awdal ayaa waxa ay Biyo Dhaamin ka sameeyeen Magaalada boorama ee xarunta a Gobolka Awdal biyahaasi ayaa waxa Deeq ahaan soo Bixisay Hay,ada Islaamiga ah ee Suna Khayriya ee Fadhigeedu yahay Magaalada Hargeysa Deeqdani ayaa waxa ay ka Kooban tahay 50 booyadood oo biyo ah kana Qaybisay Deegaanada Bariga iyo Galbeedka Magaalada boorama ee Xarunta Gobolka Awdal Biyo Dhaaminta ayaa Ugu Horayn waxa laga Bilaabay Deegaanka sheikh Yuusuf oo dhanka Koonfureed kaga Beegan Magaalada Boorama waxaana ay Deegaankaasi 5 Kiiloomitir u Jirtaa Magaalada Boorama.
Xog hayaha Gobolka Awdal Asad Cabdi Jaamac oo ka Hadlaya Deeqdani Biyo Dhaaminta ah ayaa waxa uu Yidhi ‘’’ Kolay Tani waxay Tilmaamaysaa in deegaankii ku Hareeraysnaa Magaalada Boorama oo biya la,aani ka jirto dadkuna ay u baahan yihiin inay Helaan ‘’’ Anigoo ku Hadlaya Magacii Maamulka Gobolka Awdal iina soo wakiishay Gudoomiyihii Gobolku hawshan Fulinteeda waan idinka Mahadcelinaynaa biyo Dhaamintan aad u samayseen Dadka Biyaha u baahan ee Ku Nool Hareeraha Magaalada Boorama ‘’’ Sidaasi waxa Yidhi Xoghaya Gobolka Awdal Asad Cabdi Jaamac ‘’’
Dhanka kale Dadka ku Nool Deegaanada Biyo Dhaaminta la Geeyay ayaa waxa ay ka Mahadceliyeen Deeqda Biyaha ee la soo Gaadhsiiyay waxaana ay Sheegeen inay Mudo 3 Sanadood ay iska Abaareysnaayeen islamarkaana ay ceelashii Biyaha ay ka dhaansanayeen ay Gudheen Xooluhuna ay Biyo u baahnaayeen iyaga oo intaasi ku Daray inay biyaha loo keenay ay aad Ugu baahnaayeen ‘’’
Geestooda iyaguna waxa Halkaasi saxaafada kula Hadlay Masuuliyiin ka socotay Hay,adani Biyo Dhaaminta Boorama ka Bilaabay ‘’’ Biyo dhaamintani waxa ay ku salaysnayd Baaqa Nooga Yimid Maamulka Gobolka awdal waxaan Gobolka u Keenay 50 Booyadood oo Biyo ah iyadoo ay qayb ka noqon doonaan Biyo Dhaaminta aan Wadnay ‘’’ Illaahayna waxaan ka Baryaynaa inuu Nagu Asturo Camalkan Kheyriga ah’’’’ Sidaasi waxa Warbaahinta u sheegay Masuul ka socday Hay,ada Islaamiga ah ee Suna Khayriya ee Fadhigeedu yahay Magaalada Hargeysa
Sikastaba ha ahaatee Deeqdani biyaha ayaa ah Mid Baahi wayn loo qabay Maadaama Gobolka Awdal ay ka jirtay Abaaro saamayn Dadka iyo Xoolahaba dadka ku Dhaqan Deegaanada Biyaha la gaadhsiiyay ayaa ah kuwo inta badan Raadco ugu Jiro meel ay ka Helaan biyo iyo Baadba si ay iyaga iyo Xoolahooguba uga badbaadaan Abaaraha ka Jira Guud ahaanba Deegaanada Bariga iyo Galbeedka Somaliland
Awdalpress.com
The post Biyo Dhaamin Laga Sameeyay Deegaano Hoostaga Magaalada Boorama appeared first on Awdalpress.com.