Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ganacsade Somali ah oo ku Guuleystay iibsiga Dhisme Weyn oo ku yaalla MN (DAAWO)

$
0
0

1
Ganacsade Somalia ah oo lagu Magacaabo, Khadar Aadan Jaamac ayaa ku guulaystay iibsiga dhisme wayn oo ku yaalla Waddada Ganacsiga ee Lake Street ee Koonfurta magaalada Minneapolis.
Dhismahaan oo ay lahayd hay’ad aan faa’iido doon ahayn ayaa la sheegay in lagu yeeshay daymo, taasoo keentay in la iibiyo. Plaza Verde waa Magacaga loogu yeero dhismahaan waxaa la dhisay 1923-kii waxaa ku yaalay suuq qadiimi ah, waxaana dayactir wayn lagu sameeyay sannadihii 1998 iyo 2004 , mar aan booqanay waxuu noola muuqday dhisme cusub oo aad loo daryeelay nadaafad iyo buuq yaraan ayaan ku aragnay.
Kaddib markii wuu soo maray ganacsade Khadar Aadan habkii uu ku hanan lahaa gurigaan weyn, wuxuuna la kulmay guddi hoosaadyo kala duwan oo labo ahaa soona ogaaladay in wuu xaq u leeyahay hanashada dhismahaa, Waxaase dood adag kala horyimi Alondra Cano oo ah Guddoomiyaha Dagmada 9-aad ee Minneapolis oo ay dagaan ahaan iyo ganacsiba u badan yihiin qoomiyada Laatiino, ahna meesha wuu ku yaal dhismaha Plaza Vende iyadoo sida la sheegay ku doodaysa in dib loo dhigo iibsiga si ay ula soo tashado dadka xaafadda deggen, kaddibna waxaa la galay dood, waxaana aad u difaacay inuu dhismaha iibsan karo Ganacsade Khadar Aadan Jaamac.

Cabdi Warsame oo ah Soomaaliga kaliya ee ku jira 13-ka Ruux ee Maamusha Magaaladda Minneapolis, ayaa sida lagu arkay Telefishinka Magaaladda wuxuu cod-dheer ku yiri. “Ma garan karo sabab aan dib ugu dhigi karno waxuu xaq u leeyahay ganacsade Khadar inuu hanto dhismahan, waxaana doonaynaa inaan aragno dadka bariga Afrika ka soo jeeda Ganacsigoodu inuu koro.”
Ganacsade Khadar Aadan ayaa sidaa ku helay guusha iibsashada dhismahan weyn oo mus-taqabalka noqon doona mid sare wu qaada magaca Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota deggen iyo kuwa guud ahaan Mareykanka ku nool oo lagu Ammaano inay yihiin dad leh fikir ganacsi.

Dhanka kale, Khadar waxuu sheegay in dadka hada dhismaha ku leh xafiisyadda iyo ganacsiga ay sidooda u deggenaan doonaan Hishiisyadii ay haysteena waxba iska badali doonin.

Ugu dambeyn, waxaa xusid mudan in dhismahaan weyn uu ku dhexyaal madxafka kaydiya Qalabka Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo ah, waana kan kaliya ee ku yaalla Dalalka Galbeedka oo loosoo daawasho tago.

Awdalpress.com

The post Ganacsade Somali ah oo ku Guuleystay iibsiga Dhisme Weyn oo ku yaalla MN (DAAWO) appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles