
Magaalada Ceerigaabo ayaa waxa kacdoon ka sameeyey beesha H/Jeclo ee ku dhaqan ayagoo ka cadhooday dilka loo gaystay taliyihii degmada Berbera ee gobolka Waqooyi Galbeed ee maamulkaasi Somaliland la baxay, dadkan ayaa gubay taayero waxayna dhaawaceen sadex askari, waxana dil ka badbaaday taliyaha gobolka Sanaag ee maamulkaas oo u dhashay H/Awal oo ay H/jeclo isku dayeen inay ugu Aaraan Taliye Caseyr oo ay dileen H/Awal.
Dadka ayaa sidoo kale ka cadhooday ka dib markii loo diidey inay Aaskii taliyaha ka qaybgalaan, jidkana ay ka soo celiyeen dadka deegaanka Berbera ee H/Awal oo hada ka mamnuucay wax H/Jecla ah inay galaan gobolka Waqooyi galbeed iyo degmada facaweyn ee Berbera.
Awdalpress.com
The post Daawo- H/Jeclo oo weerartay Taliye H/Awal ah Ceerigaabo , Kacdoon & Aaskii oo loo diidey inay ka qaybgalaan-Video appeared first on Awdalpress.com.





