Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Injineer idaacadaha rakibi jiray oo lagu dilay Muqdisho

$
0
0

Awdalpress(Muqdisho)17 Aug, 13–Rag hubaysan ayaa maanta isgoyska Maanaboolyo ee magaalada Muqdisho ku toogatay Alle ha u naxariistee Injineer Axmed Shariif Xuseen oo ka mid ahaa farsamayaqaannada wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya.

Dilka injineerka waxaa fuliyay 2 nin oo dhallinyaro ah, oo ku hubeysnaa bistoolado.

Agaasimaha warbaahinta dowladda Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh (Al-Caddaala) ayaa dhacdada u xaqiijiyay radio Bar-kulan.

Al-Cadaala wuxuu sheegay in ay baxsadeen raggii dilka fulisay.

Injineer Shariif ayaa ka soo shaqeeyay radio Muqdisho, idaacaddii Soomaaliweyn, radio Afrikada Bari iyo Radio Banaadir, isagoo ahaa injineer sameyn jiray taawarrada idaacadaha.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles