Awdalpress(Hargaysa) 18 Aug, 13–Garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ayaa maanta dib loo furay kaddib muddo dib-u-dhis lagu sameynayay.
Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in guud ahaan garoonka dayactir lagu sameeyay, isla markaana dowaldda Kuwait ay ugu deeqday qarashka ku baxay dib-u-dhiska.
Wuxuu tilmaamay inay sii dar-dargelin doonaan horumarinta adeegyada kala duwan ee maamulka Somaliland, isagoo u mahadceliyay dowladda Kuwait.
Wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka cirka ee maamulka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in furidda garoonka Hargeysa ay wax badan u tari doonto bulshada oo muddooyinkan dambe isticmaalayay garoonka magaalada Berbera.
Masuuliyiin ka tirsan dowladda Kuwait ayaa ka qeyb galay furitaanka garoonka.
Hoos ka Daawo xadhig ka jarida madaarka Hargaysa..
RBK
Dhanka kalana Kulan balaadhan oo lagaga hadlayay sidii loo dayactiri lahaa madaarka Boorama ayaa maanta lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boorama. Kulankaasi oo ay ka soo qaybgaleen qaybaha bulshada kala duwan ee ku nool magaalada Boorama, Qurbajoog, maamulka G/Awdal iyo ka degmada Boorama
Waxaa qaadhaan lacageed oo gaadhaya 4360 doolar bixiyay haweenka qurbajooga ee ku nool dalka Canada gobolka Alberta.
Kulankan ayaa waxaa hadal ka jeediyay Gudoomiyaha Golaha deegaanka ee degmada Boorama sulaymaan Xasan Xaddi wuxuuna ka waramay sida loogu baahan yahay in uu madaarka magaalada Boorama uu shaqeeyo, isla mar ahaantaana ay bulshadu dibad iyo gudaba ka qayb gasho hindisaha dib loogu dayactirayo. wuxuuna u mahadceshay haweenka bixiyay lacagta lagu bilaabayo.
Sidoo kalena waxaa iyaduna goobtaasi hadal ka jeedisay Aamin Cilmi Coofle oo ku hadlaysay magaca Haweenka qurbajooga ah ee ka soo jeeda Awdal ee degen dalka Kanada Gobolka Alberta iyo haween kale oo ka yimid iyaguna qurbaha kuwaas oo sheegay inay ka qaybqaadanayaan dhismaha madaarka.
Waxaa iyaguna kulankaasi khudbado ka jeediyay Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof Sulaymaan Axmed Guuleed wuxuuna xusay in gudi loo sameeyo, isla markaana dhulka madaarku leeyahay loo xadeeyo, sidoo kale wuxuu ka dhawaajay in dawlada aan la sugin ee reer Boorama ay iyagu dhistaan madaarka, Dekedaha iyo dariiqyada, Cunaqabataynta lagu jirana la iska dulqaadaa.
Suldaan Abuubakar Wababar ayaa isagu ku dhaleeecyeeyay Dawlada Somaliland waxqabad la’aanta garoonka diyaaradaha, wuxuuna sheegay in garoonkani yahay AGOON waa sida uu hadalka u dhigaye, waxa kale oo ka dalbaday Somaliland inay lacagaha caawimada ee lagu dhisayo madaarada ay qaybta madaarkan ku biiriyaan dhismihiisa.
Gabagabadii Kulankan qiimaha lahaa ee lagaga hadlayay sidii looo bilaabi lahaa dayactirka garoonka diyaaradaha ee magaalada Boorama ayaa dadkii ka soo qaybgalay qaarkood ku yabooheen qaadhaan lacageed kuwaas oo ay ka mid ahaayeen muwaadin u dhashay dalka jabuuti oo bixiyay 500$.
Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii uu madaarka magaalada Boorama kormeer hawleed ku yimid Agaasimaha gud ee Wasaarada duulista iyo khubaro kale oo la socotay, masuulkaasi iyo khubaradaasi oo sheegay in bilaabi doonaan dib u dhiska garoonkan, Qaadhaankan ayaana noqonaya kii ugu horeeyay ee qurbajoogtu ugu deeqaan Garoonkaasi.
Hoos ka Daawo Qaadhaanka loo Ururinayo madaarka Boorama