Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Galmudug oo Qabatay Dagaalyahano Ajnabi Ah

$
0
0

shabaabCADAADO—Maamul Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya ayaa sheegay in maxaabiista ay dhowaan ka qabteen ururka Al-Shabaab ay ku jiraan ugu yaraan saddex qof oo ajaanib ah.

Mas’uuliyiinta ayaan sheegin waddamada ay dadkaasi u dhasheen, balse waxay sheegeen inay yihiin dad kasoo jeeda qaaradda Afrika.

Dadkan ayaa la qabtay intii uu socday dagaal afar maalmood qaatay oo dhex maray ciidamada Galmudug iyo Al-Shabaab, kaasi oo maxaabiis badan looga qabtay maleeshiyada Al-Shabaab.

Madaxweynaha Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in tirada guud ee maxaabiista Al-Shabaab ay ka qabteen ay yihiin 110.

Warkan waxaa Gaalkacayo nooga soo diray weriyahayaga Cabdiwaaxid Macalim Isxaaq.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images