Qarax uu fuliyey nin isku soo xidhay walxaha qarxa oo lagu qarxiyey woqooyiga magaalada Gaalkacyo dhinaca Puntland, ayaa waxa ku dhintay Ugu yaraan lix ruux oo uu ku jiro mas’uul maamulka Puntland ka tirsanaa waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo dad ah.
Qaraxan ayaan weli la sheegan mas’uuliyaddiisa inkasta oo loo malaynayo in kooxda xag jirka ahi ay soo maleegeen.
Mas’uulka ka tirsan maamulka Puntland ee ku Geeriyooday Qaraxan ayaa ahaa; Wakiilkii Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Gobolka Mudug, Siciid Cali Yuusuf (Gaaddo-yare), hase yeeshee weli maamulka Puntland ka ay hadlin geeridiisa.
Sida la og yahay qraxaan ayaa noqonaya kii ugu Horreeyey ee noociisa ah, oo Sannadkan ka dhaca Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo Puntland ay ka taliso, waxaana goobta uu ka dhacay ku sugan ciidammo badan oo ka tirsan kuwa maamulka Puntland.
Awdalpress





