Awdalpress(Dilla) 06 Apr.2016– Roobab xoogan oo ka da’ay deegaanka Dilla ayaa khasaare gaadhsiiyay dadweynaha magaalada nool, ka dib markii roobabka xooga badan daadkii ka dhashay ay dilaaciyeen Baliyada ku yaal magaalada dusheeda.
Mar aan la xidhiidhay maamulka degmada iyo dadka degen magaalada ayaa waxay sheegayaan in daadku qaaday dhawr qof, isla markaana dumiyay sandaqado iyo guryo, dadka dooxa degen ayaa khasaaraha u badan gaadhay, waxaana la arkayaa dad fuushan geedaha guudkooda, waxa socda gurmad, sidoo kale waxa kala xidhan isku socodka hargaysa iyo boorama.
Khasaaraha roobabka ka dhashay waan idiin soo gudbin doonaa..
Awdalpress
↧
War degdeg ah: Roobab mahiigaan oo khasaare dhimasho iyo Guryo dumay gaadhsiiyay Magaalada Dilla
↧





