Awdalpress – London – Oday Mohamed Obsiye oo deggen dalka Sweden ayaa waxa uu digniin u diray wax garadka gobolka Awdal. isla markaana ka biyo diiday ninka Chines ka ah ee hor fadhiistay guddiga Abaaraha gobollada Awdal iyo Salal.
Nin Chines ah oo si sharci darro ah macdan uga gurta buuralayda gobolka Awdal, isla markaan wata qalab gaboobay oo macdanta lagu ridqo ama dhagaxaanta macdantu ku jirto lagu bur buriyo. Qalabkaasi oo aan meella ka diiwaan gashanayn.
Ninkan oo heshiis aan caalami ahayn la galay Wasaaradda Macdanta ee Somaliland, ayaa sannad horteed lagu eedeeyey in aanu wax sharci ah ka haysan dalka uu ka soo jeedo, sidaasi daraaddeedna ay dawladda Shinuhu ka mamnuucday in aanu Somalia meesha ay doonto ha ahaatee ka guran karin wax macdan ah.
Laakiin dacwaddaa sharciga ah wuu ka dhaga adaygay, waxana weli meeshaasi ku haya shakhsiyaad ka tirsan dawladda Somaliland oo la sheegay in ay la shaqaystaan ninkaasi. Iyaga oo u macaamilaya sidii dal aanu sharci ka jirin ( lawless land ). Dadka degaankuna xal ay ninkaa iyo qalabkiisa isaga kor qaadaan ma hayaan, waxana ay weli sugayaan faraj Alle oo u soo baxa.
Waxase immiga socda qorshe ay aqoon yahano qurba joog ahi ku guda jiraan. Qorshahaasi oo ah in ay dacwad ninkaasi ka dhan ah ka furaan dibadda. Iyaga oo ururin doona kumaan kun saxeex oo markhaati ah ( petition ), oo ay dadka degaannadaasi ka soo jeedaa ay ku diiddan yihiin macdanta sida sharci darrada ah uu uga guranayo ninkaasi iyo sida aanu caafimaadku ku jirin ee looga qodayo buurtaasi. Sidoo kale waxa ay dacwaddaasi saamayn weyn ku yeelan doontaa wasiirka Macdanta Somaliland, oo la galay heshiis aan waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah.
Si kastaba oo ay arrini tahay waxa ninkan Chines ka ahi uu ku dhiirraday in uu haddana yimaaddo caasimadda Awdal, oo uu la kulmo odayada u xaydan taakulaynta abaaraha, oo uu ula yimid beer la xawsi odhanaya waxan qayb ka qaadanayaa taakulaynta, oo 150 qoys ayaan siinayaa raashin. Taasi oo markii TVga laga arkay warkaa, ay waxgarad badni u arkeen dullinimo aan la qaadan karin oo ay guddiga abaaruhu ka oggolaadeen,iyaga oo aan tixgelin fal danbiyeedka uu ninkani ka wado buuraha SIIMOODI, ee uu hantidii dadka iyo dalka uu guranayey haddana uu uga qadhiidhayo.Si uu ujeeddooyinkiisii u sii wato.
Dunida xorta ah kama dhacdo in nin ajnabi ahi inta uu dal iska soo galo, la yimaaddo qalab gaboogay oo aan shirkad lagala xisaabtamaa jirin, dabeedna ku dhiirrado in uu macdantooda iska gurto, isaga oo ka faa’iidaysana dayacnaanta dadka dalkaasi amma dhibaatooyin taagan. Waxa iyaguna nasiib daran Kuwa maamulkoodu khuseeyo, ee ku daawanaya sharci darradaa ama dillaalka ka qaata. Ee aan lahayn damiirka waddanimino ama aan u naxayn dadkooda ku waxyeelloobaya qiiqa iyo urta macdanta lagu farsamaynayo qalabkan gaboobay
Awdalpress



