Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Nin ganacsade ah oo caawa lagu khaarajiyey magaalada Hargeysa.

$
0
0

breaking-newsAwalpress – Hargeysa –  Warar hadda naga soo gaadhaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in niman dablay ahi ay khaarajiyeen nin ganacsade ah oo magaciisa la odhan jiray Cisman Daahir. Waxana lagu dilay xaafadda Isha Borama ee degmada 31 May. Wararku waxa ay intaa ku darayaan in dablaydii ninkaa ganacsada ahaa dishay ay baxsadeen, balse ciidanka amnigu ku daba jiraan.

 

Falkan oo ah kii koowaad ee noociisa ah ee ka dhaca magaalada Hargaysa, ayaanay weli ciidammada amniga Somaliland wax war ah ka soo saarin. Waxase dad hay’adaha amniga ka ag dhawi saxaafadda soo gaadhsiiyeen in ay ciidammada Police ku immiga ku daba jiraan dadkii falkan argagixisada gaystay.

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images