Soddon sano ku dhawaad ayaa illaa immiga laga joogaa wakhtigii ay beelaha Somaliland guddoonsadeen in ay la soo noqdaan dawladnimadoodii ay qaateen 26kii Juun sannadkii 1960kii. Waxase isla xilligaa bilaabmay kala fikir duwanaansho hadheeyey wada lahaanshaha dawladnimda Somaliland iyo geeddi socodkii siyaasadeed ee dalkaa curdinka ah. Waxanad mooddaa in aanay beelihii wada guddoonsaday iskuba manhaj ahayn, oo qolo walliba ay halkeeda ku akhrisanayso kitaab ka geddisan kani ay qolo kale akhrisanayso.
Waxa jira cabasho, dheelli tir la’aan dhinaca xukuumadda ah, u kala dhawaansho maamulka ah iyo kala jeclaysi la kala jecel yahay Somaliland, oo ay qaarna u heesayaan, qaarna ay weli Somalia u heesayaan. Inta ay taasi jirtana waxa fog jiritaanka Somaliland, waayo wax wada la haanshuhu maaha sidaa. Wax badan oo qaldanna waxa la is weydiinayaa, sababta xal loogu heli la’yahay.
Haddii la is weydiiyo sababta ay sidaasi u dhacayso, waxa la tirin karaa qodobbo aad u badan oo ay ka mid yihiin:
1. Qabyaalad.
2. Maamul xumo.
3. Siyaasiinta gobollada darifyada oo aad u liita, in la beddellana u baahan.
4. Musuq maasuq iyo boob.
5. Dhaqan xumo siyaasadeed.
6. Is aammin la’aan
7. Somalilandta lafteeda oo aan malaha run ahayn.
8. Hunguri xumo ama Iimaan la’aan aan dalka iyo dadka loo tudhayn.
9 Caddaalad darro.
10.Iyo in kale oo badan
Bal hadda nala daawada video gan oo muujinaya in aanay dadka gobolka Awdal oo ka tirsan Somaliland ay kaga jawaabeen aqoon darrida amma diidmada heesta calanka Somaliland iyo jacaylka ay u qabaan heestee bar baryo ee SOMALIYEY TOOSOO ISKU TIIRSADA. Oo marka Hargeysa ama Burco la jooga aad looga xanaaqo.
Awdalpress





