Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Weriye Mohamed Omer Jaray oo la filayo in maanta dib loogu soo celiyo xorriyaddiisii. Heestii lagu xidhayna bal ila fiiriya waxa danbiya ee ereyadeeda ku jira!!!!!

$
0
0

JarayAwdalpress – London – Warar naga soo gaadhaya ilo u dhaw dhaw xadhigga weriye Jaray, ayaa tibaaxaya in maanta la soo af jari doona xadhigii wariyaasi. Laakiin waxa la yaab ah in wariyaha lagu xidhay arrinta ah in uu kaftan ka sameeyey aqoon la’aanta heesta calanka Somaliland iyo dadkii uu waraystay oo su’aashii heestaa kaga jawaabay SOOMAALIYEY TOOSOO….oo ahayd hees ay ka muuqato waddaniyad Somalinimo.

 

Heestani waa mid qof kasta oo sinji Somaliyeed lihi uu qaado, sida Somaliland, Koonfurta Somalia, Somalida Kenya, Somalida Djabouti, Somalida Itobiya…..BAL NALA DAAWADA EREYADA QIIMA LEH EE AY LEEDAHAY. Dad baa ka xanaaqaya haddii aan nidhaa waa gaf iyo ceebayn dadkaasi loola jeedo.

Waxa kale oo la yaab ah in la sheegay in ay xadhiggiisa ka dambeeyaan siyaasiyiin u dhashay gobolka Awdal, balse aan xadhigga wariyaha waarkankiisa laga soo dirin madaxtooyada Somaliland.

 

Mar aan la xidhiidhnay wax garadka degaanka Borama iyo oday dhaqameedyada loo tiriyo in ay ehel u yihiin wariyaha ayaa iyaguna noo sheegay in ay la socdaan xaalka wariyaha, isla markaana aanay immiga diyaar u ahayn in ay godobaha noocan ah xilligan ka hadlaan. Balse ay sugayaan godobo kale oo dadkooda laga galo, wakhtiga ay ku habboon tahayna ay si fiican uga fal celin doonaan…..hadalkiina waxa ay ku soo gabagabeeyeen HA NOO XIDHNAADO. Kuwo kalena ha la noo xidho.

 

Kaftanka iyo maddaddaalada uu Wariye Jaray ka sameeyey waraysiga noocan ah, oo ka turjumaysa gal dalloollada iyo farqiga u dhexeeya beelaha Somaliland ayaanay dadka qaar rabin in bannaanka la soo dhigo, waayo wax xal ah oo loo hayo ayaan jirin. In laga hawl galana aan diyaar loo ahayn. Sidaasi daraaddeedna, ay siyaasiyiinta qaar ka dhiganayaan food saar ay ku kalluumaystaan.

 

Laakiin heesta SOMALIYEY TOOS….waxa ku heesi kara cid kasta oo ku abtirsata jinsiga Somaliyeed. Wax qalad ah amma danbi ah, oo cid lagu caayayo amma dhaqanka iyo diinta dhib ku ahina kuma jiraan.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images