Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

WAR DEG DAG AH: MADAXWAYNAHA SOMALILAND OO XILKII KA QAADAY WASIIR IYO TALIYIHII CIIDANKA BADDA SOMALILAND – SEE MORE AT:

$
0
0

index
WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay, JSL/M/XILQ/249/1-3973/042016uu xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday, Wasiirkii Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Taliyihii Ciidanka Badda Somaliland.
index
 
Digreetada Madaxweynuhuna waxay u dhignayd Sidan:-
 

1. Ujeeddo: Xil-ka Qaadis
 
Ku: Mudane, Maxamed Jaamac Abgaal,
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta
Og: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta
 

Mudane,
Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Haddaba, markaan arkay in aad fulin wayday awaamiirtii aan ku siiyey; waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland.
 
Sidaa darteed, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Mudane, Cismaan Garaad Soofe, oo si ku meel gaadh ah u sii hayn doona inta aan cid u soo magacaabayo.
 
2. Ujeeddo: Xil-ka Qaadis
 
Ku: Sarreeyo Guuto, Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane),
Taliyihii Hore ee Ciidanka Badda JSL
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
 
Mudane,
 
Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Haddaba, markaan arkay in aad fulin wayday awaamiirtii aan ku siiyey; waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Taliyaha Ciidanka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
 
Sidaa darteed, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Badda Jamhuuriyadda Somaliland, oo si ku meel gaadh ah u sii hayn doona inta aan cid u soo magacaabayo.
 

ALLAA MAHAD LEH
 
Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images