18ka May waa maalin weyn oo qiimo badan ugu fadhida dadka reer Somaliland, waa maalin lagu xasuusto heshiis, nabadayn iyo dawlad gooni uga baxday dalkii la odhan jiray Somalia. Waxa aan shaki ku jirin in Somaliland muddadaasi ay jirtay ay ku tallaabsatay horumar dhan walba leh. Halka ay maanta maraysana cid walliba ay markhaati ka tahay.
Qurba joog iyo qol qol joogba waxa maalinta barrita ah loo dabbaal degayaa, maalintaa qiimaha badan, ee isku keentay dad kala erdhoobay, dad dhib iyo xasuuq tirsaday.
Maanta oo kale 1991kii waxa madal dambas iyo dhiig ka buuxo ku dul tashaday waxgaradkii degaannadii la odhan jiray gobollada woqooyi. Waxana ay si run ah kitaabka gacanta u saareen in la guddoonsado nabad run ah oo dalka ka islaaxda, dawlad gaar ahna la noqdo. Caalamkana sidaa loo sheego.
Ka saxaafad ahaan ( awdalpress.com ) waxan halkan maanta hambalyo uga diraynaa dhammaanba muwaaddiniinta reer Somaliland meel kasta oo ay ka joogaan dunida, waxanan leenahay ku ciida caafimaad iyo farxad.
Ahmedweli Goth