Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Deg Deg: War Hada Ka Soo Baxay Madaxtooyada Iyo Prof Axmed Ismaaciil Samatar Oo La Kulmay Madaxweyne Siilanyo+Muuse Biixi Oo Goob Joog Ahaa.

$
0
0

thumb
Deg Deg: War Hada Ka Soo Baxay Madaxtooyada Iyo Prof Axmed Ismaaciil Samatar Oo La Kulmay Madaxweyne Siilanyo+Muuse Biixi Oo Goob Joog Ahaa.
Proff, Axmed Ismaciil Samatar ayaa kulan xalay la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Ismaciil Saylici.

Kulankaas oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada ma jirin wax war ah oo ka soo baxay, wuxuuse u muuqday mid Salaan guud iyo is bariidin ku koobna, in kasta oo Axmed Ismaciil Samatar sheegay inuu Saddexda Xisbi Qaran mid ku biiraayo,

sidoo kalena wararka qaar la xidhiidhinayeen dhinaca Xisbiga KULMIYE, hadana ma cada in kulanka Madaxweynuhu salka ku hayay shukaaminta hore ee Xisbiga KULMIYE ku xod-xodanaayay Siyaasiyigan macalinka sare ah.

Kulanka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisu la yesheen Axmed Ismaciil Samatar, waxa ku wehelinaayay Wasiirka Hawlaha Guud, Gadiidka iyo Guryaynta Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo kamid ah Wasiirada fir fircoon ee Xisbiga KULMIYE.
Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images