Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Shir ku saabsan gargaarka hay’adaha samafalka ee Somaliland oo ka furmay Hargeysa

$
0
0

hargaysa-Awdalpress(Hargaysa) 06 Jun 2016–Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka furay maanta magaalada Hargeysa shirka sagaalaad ee isku duwidda mucaawinooyinka Somaliland.

Shirka ayaa ku saabsan gargaarka iyo mucaawinooyinka ay deeq bixiyeyaasha iyo hay’adaha samafalka siiyaan Somaliland, waxaana ka qeybgalaya wafuud ka socota Qaramada Midoobey oo uu hoggaaminayo ku xigeenka ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Peter de Clercq, hay’adaha dhinaca hormarinta iyo kuwa samafalka.

Madaxweyne Siilaanyo, oo khudbad ka jeediyey furitaanka shirka ayaa sheegay in Somaliland aysan kamid aheyn maamullada Soomaaliya, kana qeybgaleyn doorashooyinka sanadkan dalka ka dhacayo.

Laba maalmood oo uun shirkan socon doono ayaa la filayaa in sidoo kale looga hadlo xoojinta gargaarka aadanimo ee la siiyo Somaliland.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images