Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Midawga Yurub: Soo galootiga yaan la xidhin ee dib haloo celiyo

$
0
0

imageAwdalpress, 08 Jun 2016– Maxkamadda Midawga Yurub ayaa go’aamisay in aan la xirin soo galootiga sharci darada ah.
Dadka aan u dhalanin Midawga Yurub ee sida sharci darada ah ku soo gala dalalka Midawga Yurub ee isticmaala dalkugalka Schengen ayaan xarig mutaysan doonin sida ay sheegtay maxkamadda cadaaladda ee Yurub.
Taas badalkeeda waxaa lagu celin doonaa wadankii ay ka yimaadeen iyaga oo loo cuskanayo sharcigii ay dhawaan Yurub ku heshiisay.
Sharcigan wuxuu qabanayaa soo galootiga ku dhex safraya dalalka baasaboor la’aanta isu safra.
Waxay ka caraysiin doontaa dadka dhaliila siyaasadda Midawga Yurub, laakiin waxaa la socda digniino muhiim ah.
Go’aankan waxaa soo cusboonaysiiyay nin soo galooti ah oo Ghana u dhashay oo oo Faransiisku ku qabteen baasaboorka dalka Belgium oo aan sax ahayn.
Selina Affum ayaa markaas kaddib xabsi la dhigay waxayse ku andacootay in ay sharci darro tahay in la xiro.
Sharcigu wuxuu dhigayaa in qofka sharcidarada ku soo galay loo sheego in 30 maalmood uu dalka uga baxo si iskii ah, intaas kaddibna wadan ka kaxayntiisu aysan noqonin mid awood badan loo adeegsado oo qofka aan noloshiisa halis la galinin.
BBC


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images