Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

War Deg Deg Ah:- Xilka Qaadis Uu Samaayey Iminka Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Waa Kuma Masuulka Xilka Laga Caydhiyey

$
0
0

thumb
War Deg Deg Ah:- Xilka Qaadis Uu Samaayey Iminka Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Waa Kuma Masuulka Xilka Laga Caydhiyey
MadaxweynahaXasan Sheekh Maxamuud ayaa xil ka qaadis ku sameeyey Taliyihii Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.
Madaxweynaha ayaa xilka qaadista taliyaha u cuskadey qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka KMG, iyo isagoo tixgelinaya baahi la xiriirtey in isbeddel lagu sameeyo Hoggaanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.
Isla Xeerkan ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha, ayaa waxaa si KMG ah xilka Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) , loogu magacaabay S/Gaas Cabdullaahi Gaafow Maxamuud.
Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, ayaa waxaa loo magacaabey inuu noqdo La-Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha.
Xeerkan ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa dhaqangalayaa maanta oo taariikhdu ay tahay 14 June 2016.
Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images