Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ciidamada RRUda Somaliland Oo Hoteel Ku Yaala Boorama Kala Baxay Nin Deganaa .

$
0
0

Gaariga-Ciidanka1Boorama(Awdalpress) Ciidamada LA Dagaalanka Argagixisa Somaliland Ee Loo Yaqaano ?#RRU? Ayaa xalay abaaro  02:40 Saacada Geeska Africa Waxay Howl Gal  Ka Fuliyeen Hotel ?#Brothers? Oo Ku Yaala Agagaarka Gol Jano Cafeteria Ee Magalaada Borama,Waxayna Hotelkaasi Kala Baxeen Ciidamadu Nin ilaa Hada Aan La Garanayn Haybtiisa Oo isla xalay   Soo Dagay Hotelkaasi  Sida Ay Noo Xaqiijiyeen Maamulkii Hotelkaasi Brothers. Waxana Lala Qaaday Boorsooyin Uu Watay Sida Ay Dad Goob Jooga Sheegeen.
Iyadoo Dhinaca Kalena Ay Ciidamadu Jidh Dil U Gaysteen Dadkii Hotelka Daganaa,Waxana Ay Dhamaan Ciidamadu Gacanta Ku Dhigeen Wixii ? ?telefanka gacanta ahaa ee ? Ay Haysteen Dadka Daganaa Hotelkaasi.
Sida Ay Xaqiijiyeen Dad Ka Agdhawaa Goobta Hotelka Ayaa Waxa Ay Sheegeen in Ciidanka Howl Galka Fuliyey Wateen in Ka Badan 20 Gawaadhi,Waxna Dhamaan La Xidhay Jidadka Soo Gala Hotelka Howl Galka Laga Fuliyay,Iyadoo Dhamaan Lagu Amray Dadkii Goobtaasi Ka Agdhawaa inay Ka Fogaadaan Hotelka.
Howl Galkani Ay xalay Ciidanka Hargeysa Ka Duuleen Ee RRU  Ka Fuliyeen Gudaha Magaalada Borama Ayaa Waxa Hagayey  Gabadh Xidhnayd Dhar Shacaba Sida Ay Sheegeen Dadkii Ku Sugnaa Hotel Brothers.Waxana ilaa Hada LA Garanayn Ninkaasi Ay Ciidanku La Baxeen Cida Uu Ahaa iyo Halka Uu Ka Yimiday.

isku soo wada duuboo maaha markii ugu horaysay ee ciidamo ka timiday magaalada Hargeysi hawl gal ka fuliyeen gudaha magaalada Boorama .

Xafiiska wararka Awdalpress.Boorama .


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images