Faallo xasaasi ah:
Sannadka soo socda waxa dalka Somaliland ka dhici doonta doorasho aad u adag oo ay ku loollamayaan saddexda xisbi qaran ee Somaliland oo kala ah xisbul xaakimka KULMIYE, xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI iyo xisbiga labada musharrax leh ee UCID. Musharrixiinta labada ah ee aan dhexda uga jiraa waa Muse Biixi Abdi iyo Abdirahaman Abdillaahi ( Cirro ). Oo aan labadaba u hayo ixtiraam gaar ah.
Sannadka soo socda waxa dalka Somaliland ka dhici doonta doorasho aad u adag oo ay ku loollamayaan saddexda xisbi qaran ee Somaliland oo kala ah xisbul xaakimka KULMIYE, xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI iyo xisbiga labada musharrax leh ee UCID. Musharrixiinta labada ah ee aan dhexda uga jiraa waa Muse Biixi Abdi iyo Abdirahaman Abdillaahi ( Cirro ). Oo aan labadaba u hayo ixtiraam gaar ah.
2013kii oo aan dalka Somaliland booqdayna labada mas’uulba waan is aragnay, si fiican oo kalgacalo lehna way ii soo dhaweeyeen. Weliba Muse Bixi waxa uu ii fidiyey marti qaad, laakiin waan ka cudur daartay oo mashquul ayaan ahaa. Sidaasi daraaddeed, ayaanan qoraalkan ugu kala eexanayn, waxanse jecelahay in aan si caddaalad ah uga faalloodo.
Sida aan durba ka arkayno wallacii doorashada, waxa soo fool leh tartan aad iyo aad u adag oo aan la dhayalsan karin, saadaashiisuna ay adag tahay. Sidaasi daraaddeed ayaanay su’aasha aan kor ku soo sheegay jawaabteedu xataa aniga weli iigu fududayn.
Dabcan qof bani aadama ayaan ahay, oo kolley qalbigaygu dhan uun buu la jiraa, haddana marka aan hoos ugu daadego xaqiiqda, waxa aan arkayaa in mid ka ah labadani musharrax ay u dhici doonto in mid uuni noqon doono madaxweynaha Somaliland ee sannaddada soo socda.
Musharrixiinta UCID, waxa aan dib ugu dhigtay marka ay kala baxaan Faysal iyo Jamaal, sidaasi ayaanan caddaalad u arkay. Laakiin saaxiibbaday Faysal iyo Jamaalba ixtiraam weyn ayaan u hayaa.
Dalka aan joogo oo UK ah aan ka bilaabee, Xisbiga Kulmiye ee dalka Ingiriiska iyo taageerayaashiisu waa kuwo soo jiidasho leh, in ay taageerayaal badan helaanna u heellan, ilbaxnimo iyo fur furnaan ayaana iiga dhex muuqatay wakhtiyo aan qaarkood la kulmay. Laakiin haddana dhan bay ka raran yihiin, oo ma odhan karo waa dad aad ugu bisil siyaasadda xisbinimo.
Xisbiga Waddani oo aan taageero xubno ku jira siyaasiyiintiisa sare ayaan u arkaa in laamihiisa dalka Ingiriisku ay yihiin kuwo aan foodda la gelin karin ama u eg xisbiyiin aan aqoon sida loo helo taageerayaal ama aan doonayn. Xisbiga dhexdiisana waxa aan ka dareemay khilaaf iyo nidaam la’aan. Laakiin waxa ay leeyihiin taageerayaal qiimo badan, aqoon iyo karti leh oo haddii ay xisbiga daacad u noqdaan ka midho dhalin kara.
Dhinacaa iyo dalkii Somaliland, waxa aan maqlaa in xisbiga Waddani taageerayaashiisu ay marba marka ka danbaysa ku soo kordhayaan. Gaar ahaan gobollada darifyada. Inkasta oo aanu xisbigu gobolladaasi ku lahayn xafiisyo qurux badan oo soo jiita shacabka. Halka xisbiga Kulmiye uu gobollada Somaliland ku leeyahay xafiisyo qurux badan oo calankuna ka hor lusho.
Tartanka doorasho oo salka ku haysa qabiil, ragga madaxweynayaasha doonayaana uu nin walba jilbaha haysto tolkii, laakiin la sheegayo in la kala qabiilisan yahay.
Xan hoosana waxan ku maqlay in Xisbiga Kulmiye iyo taageerayaashiisa ay wasiirrada qaar ugu horreeyaani ay dhaqaale xoog badan u diyaariyeen cod bixiyayaasha, inkasta oo xisbiga Waddanina aanu yaraysan. Rajadiisuna tahay isbeddelka ay dadku rabaan. Balse aanay ahayn 10 doller oo safka la isla taago.
Dhinaca kale waxa musharrixiintani google-ka ugu jira taariikh dhaqan, siyaaso iyo ficil oo kala saari doonta, oo had iyo jeer ay dadku dib u eegaan. Sidoo kale waxa ay dhaqan ahaan ku kala geddisan yihiin xirfadahooda, oo Muse Bixi waa askari muddana ku soo jiray ama aad uga dhex muuqday siyaasadda Somaliland. Halka Abdirahman Cirro uu muddo dheer soo ahaa Dublamaasi ( Safiir ) iyo guddoomiye gole Baarlamaan.
Anigu shakhsiyan qayb ayaan ka noqon doonaa dadka u kala ololayn doona xisbiyada, waxanse sugayaa inta ay hawlaha qaar dhan u kala dhacayaan. Mana doonayo in aan ka hor dego. Balse waxa aan lagama maar maan u arkaa in aan sheego culayska baaxadda leh ee aan ku yeelan doono ololaha doorashada. Somalidu waxa ay ku maah maahdaa, haddii lagu sheegana waa la is sheelaa ( aammusaa ) haddii lagu sheelana waa la is sheegaa. Taasi oo iga ah farriin aan ugu hadlayo dadkayga faraha badan ee u baahan in codkoodu ka dhex muuqdo ololaha doorashada iyo codbixintaba.
Waxan ka soo jeedaa degaannada ugu shacabka badan gobollada Awdal iyo Gebebilay, 40 goobood in ka badan ayey dadkaygu ka codaynayaan. Waxanay codkooda siinayaan musharraxa aan ku heshiinno iskaashi, caddaalad iyo in uu horumarka degaankayga qaybtiisa siiyo oo aanu shaki gelin. Mar labaad waxa shacabkayga oo mid ahi u codayn doonaan, musharraxa ugu muuqda in uu daacad ka yahay ballan qaadyada ay ku ololaynayaan.
Ahmedweli Goth







