Arrinta goobaha lixda ah iyo dhul kala sheegashada beelaha kala dega Awdal iyo Maroodijeex, ayaa ah mid cirka isku shareertay, waxana laga cabsi qabaa in goobaha gubanku ay isku beddelaan dhul ammaankooda aan la xakamayn karin. Waxana sababay hadallada iyo khilaafka dhulka loogu kala xadaynayo ama loo kala sheeganayo ee sii xoogaysanaya.
Lixda goobood ee ay siyaasiyiinta iyo odayada Hargeysi ku sunteen beelo gaar ah iyo gobolka Hargeysa xukuumadda Somalilandna ay ku taageertay, ayaa aad uga cadhaysiiyey guud ahaanba dadka dega gobollada Awdal. Maanlintii shalayna waxa si wada jir ah saxaafad uga wada qayb qaatay xildhibaannada ka soo jeeda gobolladaasi oo ay oday dhaqameedyaduna weheliyaan.
Maaha markii ugu horreysey ee khilaafka degaannadaasi soo shaac baxo. Balse illaa xilligii Cigaal arrintaasi way taagnayd, waxasi si raganima leh u diiday Madaxweyne Cigaal. Wakhtigii Rayaalena waxaba ka si nabad ah uga qabsoontay doorashooyin, iyada oo ay lixdaa gobol raacsanaayeen gobollada Awdal.
Beelaha ka soo jeeda gobolka Hargeysaadna ayaa qaarkood ay intii muddo dheera ku taamayeen in ay xeebta ka helaan dhul toos looga maamulo gobolka Maroodi jeex. Sidaasi daraaddeed ayaana loo dhisayey waddada cad ee Hargeysa toos uga dhaadhacda. Oo aanay dadka gobollada galbeedku u arkayn mashruuc togan.
Calaa kulli xaal arrinta immiga ay dawladda Somaliland sida sharciga ah u guddoonsatay in is diiwaan gelin laga sameeyo goobihii, hase ahaatee, dadka degaanku ay hore isaga diiwaan geliyeen goobaha u dhaw, ayaa la yaab ku noqotay dadkii dhulkaa deggenaa. Waayo, markii la joojiyey sanaaduuqdii lixdaa goobood xilligii la tira koobi lahaa, ee dadkii dhulkaa deggenaa lagu amray in ay goobaha ku dhaw dhaw iska diiwaan geliyaan ayey arrintaasi dhammaatay. Dadka kale ee laga diiwaan gelinayaana waa kuwo laga keenayo meelo kale, oo aan degaan ku ahayn lixdaa goobood.
Wararka ay shabkadda awdalpress helaysaana waxa ay tibaaxayaan in qurba joogta ka soo jeedda gobollada Awdal ay arrintaa si caalami ah uga fal celin doonaan, iyaga oo danaynaya ammaanka degaannadaasi. Waxana ay dalalka jaarka ah iyo kuwa caalamkaba uga digayaan in dhulkaa buuralayda ahi ay noqdaan sida buuraha Gal Gala, oo ay ku danbeeyaan goobo argagixiso. Sidaasi daraaddeed, waxa ay kulammo la yeelan doonaan daneeyayaasha mandiqaddaasi, qoraallo iyo dacwadana waxa ay u gudbinayaan dawladaha gobolka.
Awdalpress





