Qaar ka mid ah saxaafadda Hargeysa ayaa maanta si weyn u buun buunisay miisaanka uu leeyahay musharrar Mohamed Ali Aw Abdi oo ah musharrax u tartamaya M/xigaanka Wadani.
Haddii aan soo qaadanno faallo aad u xiiso badan oo ay shabakadda Hadhwanaagnews ka qortay Amb.Mohamed Ali Aw Abdi, ayey cinwaan uga dhigtay …..MID KA MID AH MUSHARRIXIINTA UGU SAAMAYNTA BADAN EE XISBIGA WADDANI KU LOOLLAMAYA JAGADA MADAXWEYNE KU XIGEENKA IYO DUBLAMAASIYADDII UU CAYAARAY 9 FAALLO ).
Waxana ay qoraalkooda ku bilaabeen:
Musharrax Mohamed Ali waa aqoon yahan ka soo jeeda gobolka Awdal gaar ahaan degmada Dilla, isla markaana muddo badan ka soo shaqeeyey safaaradda Belguim ka. Sidoo kale waxa ay tibaaxeen in uu la soo shaqeeyey EU da oo saldhiggoodu yahay isla dalkaasi. Intaa waxa ay ku dareen in Mohamed Ali shaqooyinkaa ka dhaxlay waaya aragnimo iyo aqoon saa’id ah. Taasi oo uu muujiyey muddadii uu xisbiga ku jiray.
Faalladu waxa ay si gaar u xustay samirka iyo dulqaadka uu u leeyahay tartanka lagula jiro, waxana ay ku tilmaameen nin qun yar socod ah, oo miisaaman, isla markaana u adkaysi badnaa duruufihii soo maray.
Qoraaga faallada ayaa waxa uu ka sheekeeyey halganka musharraxnimo meesha uu ka soo bilaabay iyo raggii ay is hayeen sidii ay u soo kala baxeen. Waxana uu farta ku fiiqay in aanu xilliyada qaar taageero ka haysan beelweyntiisa reer Nuur. Oo lagula dhex tartamayey.
Faallada ayaa hoosta ka xarriiqday in guushii ugu horreysey ay ahayd markii uu Dr. Qaasim Sh. Ibrahim oo ay isku jufo ka soo jeedaani u tanaasulay, kadibna uu kasbaday xubno badan oo fir fircoon oo ay isku beel yihiin.
Ugu danbayn waxa ay faalladaasi bayaamisay in uu Mohamed Ali kasbaday dhammaanba taageerada beeshiisa oo ah mid miisaan weyn ku leh Somaliland. Tusaalena waxa ay u soo qaateen socdaalkiisii bilowga sannadkan uu ku tegey Dilla iyo Borama. Oo aad iyo aad loogu soo dhaweeyey, kuna muujiyey taageerada aan la arag ee uu ka haysto shacabka reer Awdal..
Intii aan qoraalka faalladan akhriyey ayaa waxa I soo jiitay sida ay runta uga sheegeen in uu Mohamed Ali yahay nin iimaankiisu quwad leeyahay, had iyo jeerna qur’aanka iyo baryada Alle tawakala. Wajigiisana ay had iyo jeer farxadi ka muuqato.






