Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wafdigii Madaxweynaha Somaliland uu hoggaaminayey oo uu ku jiro Guddoomiye Muse Bixi oo soo gaadhay London iyo shirqoollo daba yaalla.

$
0
0

terminal_3_arrivals_hall-_london_heathrow_airport_-_geograph-org-uk_-_435493

Wafdi culus oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland mudane Ahmed Mohamed Siilaanyo, ayaa maalintii shalay ahayd ka soo degey maddaarka Heathrow ee magaalada London. Wararka ku xeeran wafdigaasina waxa uu tibaaxayaa in ay mas’uulinta Safaaradda Somaliland u fadhida London iyo xubno ay u igmadeen hawlaha soo dhaweynta wafdigu ay iclaamiyeen in aan la oggolayn soo dhaweyn ay dadweynaha reer Somaliland ee UK ay Madaxweynaha uga hor tagaan ama ku soo dhaweeyaan maddaarka Heathrow Airport ee ku yaalla galbeedka magaalada London.

 

 

 

Wafdiga oo ujeeddaddiisu tahay arrimo qaas sida fasax iyo arrimo siyaasadeed oo daarran olole uu xisbiga Kulmiye kaga hawl geli doono dalka Ingiriiska. Ayaa la sheegayaa in Mudane Muuse Biixi loo diraariyey kulammo uu la yeelan doono kooxo beelaysan iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee UK oo u badan dad daayacan. Oo xataa gabay talada carruurtooda iyo reerahooda.

 

 

 

Taageerayaasha xisbiga Kulmiye oo u kala qaybsan kuwo beel ahaan u taageersan Muse Biixi iyo kuwo mansab doon ah ama dillaaliin ah, ayaa dhammaantood u badan dad nolosha ka dhacay, oo iska dhaaf dalkooda Somalilande, noloshoodu tahay darbi jiif, ma shaqaystayaal ah. Kulammada uu Musharraxa Madaxweynaha Somaliland ee Kulmiye ( Waa Muse Biixiye ) uu la yeelan doonaana ay ku danbayn doonto geed sare waab, ceeb mooyee aan rajo kale laga dhaxlin.

 

 

 

Waxana la weydiinayaa in  kulanka Muse Bixi  uu  dadka noocaasi ah kula kulmi doonaa ay faa’iido soo kordhin doonto ama uu wax u dhimayo sharftiisa iyo siyaasaddiisa. Sidoo kale odayaasha iyo dibad wareegga reerahooda gabay ee ku maaweelooda siyaasadda Somaliland ee Muse Bixi iyo Madaxweyne Siilaanyo ay u diyaariyeen mas’uuliyiinta safaaradda Somaliland ayaa u eg shirqool lagu dilayo Muse Biixi damaciisa, waxana ka danbeeya shakhsiyaad la taliya mas’uulka ugu sarreeya Safaaradda Somaliland ee UK. Dadweyne ay shabakadda Awdalpress arrintaa kala sheekaysatayna waxa ay Muse Bixi uga digayaan in uu dabinkaa ku dhaco.

 

 

 

Dhinaca kale waxa hoosta laga xarriiqayaa in aanu Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno la socdaa aanay xiiso badan u qabin kulan mug leh oo ay la yeeshaan hal doorka reer Somaliland ee jecel horumarka iyo dawlad wanaagga Somaliland. Wararka na soo gaadhayaana waxa ay tibaaxayaan in uu Madaxweyne Siilaanyo ku mashquuli doono baadhitaan caafimaad oo khaas ah.

 

 

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee waxa aan shaki ku jirin in maqaamkii ay Somaliland ka taagnayd boqortooyada Ingiriisku uu muddooyinkan u danbeeyey uu aad hoos ugu dhacay.

 

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images