Awdalpress – London – Intii muddooyinkan ahba waxa saaxadda siyaasadda Somaliland ku soo badanayey shakhsiyaad sheeganaya in ay musharrax M/xigaan u yihiin xisbiga Wadani, Xubnahaasi oo aan qaarkood hore loogu arag saaxadda siyaasadda xisbiga, iskuna kallifayey in ay hawlo olole ka galaan gobollada galbeedka.
Waxana dad badani ay ku jaha wareereen tira badnimada siyaasiyiintan iyo kurisgan labaad ee ay bar tilmaansadeen. Sida ay dadka qaar u sheegeen shabakadda wararka ee awdalpress.com, ayaa waxa ay tibaaxeen in ay ujeeddadoodu tahay in ay mustaqbalka wax ka noqdaan xisbiga, sida wasiir ama agaasime. Balse ay dariiq qaldan u marayaan.
Sidoo kale xubnaha u sarreeya golaha looga taliyo xisbiga Wadani ayaa qaarkood arrintan u arkeen jees jees iyo ciyaalayn loola jeedo xisbiga, aadna ay uga xun yihiin. Waxana ay ku taliyeen in sharci laga soo saaro shakhsiga musharrax sheeganaya, oo la sameeyo sharci uu musharrax doonku fasax ka soo qaadanayo maamulka xisbiga. Shuruudda lagu xidhi karaana ay noqon karto sida dastuurka xisbiga ku qoran sida; lacag ugu yaraan noqon karta $10 000.00 ( toban kun oo dollar ) oo ay dheer tahay lacagta kale ee uu musharruxu kaga qayb galayo shirweynaha.
Haddaba wararka xaqiiqda ah ee illaa immiga na soo gaadhayaa, waxa ay sheegayaan in illaa immiga musharrixiinta sharciga ah ee shuruudihii buuxiyey ay kala yihiin Musharraxa Madaxweynaha oo ah guddoomiye Abdirahman Cirro iyo Musharraxa M/xigeenka oo ah Amb. Mohamed Ali. Laakiin lama hayo musharrax kale oo weli shuruudahaasi buuxiyey. Sidaasi daraaddee, aanay waxba ka jirin shakhsiyaadka kale ee youtube yada ku jira amma TVyada ka hadlay.
Awdalpress.com





