Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

BAAQ: Beelaha Makaahiil ( Samarroon ) ee qurbaha oo taageeraya Musharraxa Amb. Mohamed Ali, baaqna u diraya shirka golaha dhexe ee xisbiga Wadani.

$
0
0

breakingnews-460x250

Bismillaah.

Haddii aan nahay odayada beelaha Makaahiil ( Samarroon ) ee qurba joogta ah. Marka hore waxan salaanta islaamka u diraynaa guddiyada xisbiga Wadani, hawl wadeennada xisbiga iyo xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Wadani, oo maalinta barri oo ay taariikhdu talahy 19/19/16, uu shirweynihii xisbigu uga furmi doono magaalada Hargeysa.

 

Walaalayaal ACWW.

 

Annaga oo ku hadlayna magaca beelaha la isku yidhaa Makaahiil,oo haddii aan sii kala dhig dhigno sidan u sii kala baxa:

 

1. Beelaha Makayl dheere
2. Beelaha Bahabar Cabdalla
3. Beelaha Basanayo.
4. Beelaha Celi Makaahiil
5. Beelaha Ciye Makaahiil

6. Beelaha Bahabar Xasan
7. Baalaha Af Guduud
8. Beelaha Ali Yonis
9. Beelaha Aden Yonis
10. Beelaha Jibril Yonis
11. Beelweynta Nuur Yonis ( reer Nuur )

 

Waxan caddaynaynaa in beelahaasi aan soo dheegnay oo aan magacooda ku hadalayno, oo beel walliba u sii kala baxdo tiro ahaan inta u dhaxaysa 17 haamood (baaho ) illaa iyo 33 haamood. Dhul ahaan iyo dad ahaanna ay boqolkiiba toddobaatan iyo shan (75% ) ka noqonayaan shucuubta la isku yidhaa Gadabuursi ee ku nool galbeedka Somaliland, waxa ay taageeradooda 100% siinayaan musharraxa u tartamaya jagada M/xigeenka xisbiga Waddani oo ah Amb. Mohamed Ali Aw Abdi.

 

Sida aad xog ogaalka u tihiin, waxa markii hore xisbiga u sharraxnaa rag shan ah, rag kale oo cabsi looga qabayna way jireen, laakiin aakhirkii waxa isku soo hadhay labada musharrax-suge ee Amb. Mohamed Ali Aw Abdi iyo Ahmed Muumin Seed.

 

 

Musharrax-suge Ahmed Muumin Seed, oo filayey in ay beelaha Jibril Yonis ay abtinimo ugu codeeyaan, balse markii mas’uul sare Abdirashid Hassan Mataan oo ka soo jeeda beelaha Jibril Yonis ee Makaahiil uu taageeray Amb. Mohamed Ali Aw Abdi. Ayaa Ahmed Muumin Seed uu taageeradaa Abdirashid kaga fal-celiyey aflagaado aad u fool xul oo uu saxaafadda u mariyey.

 

Taageerada Xoghayaha Warfaafinta xisbiga Wadani waa Abdirashide ayaa ka dhacday xaflad miisaan leh oo loo sameeyey Amb. Mohamed Ali Aw Abdi, oo ka soo jeeda baalaha reer Nuur ee ay walaalaha yihiin Beelaha Jibril Yonis ee baaxadda leh ee Abdirashid ka soo jeedo.

 

 

 

Laakiin tallaabo taageeradaa la mid ah oo uu ex-wasiir Geedoole fagaare lagu soo dhaweynahayey kooxdii Isbahaysiga kaga dhawaaqay in uu u reer ahaan u tanaasulay Ahmed Muumin Seed oo ay isku beel yihiin. Taageeradaasi oo aan dhinaca beesha Makaahiil loo arag wax dhib ah. Ama aan lala xintamin beeshiisa Habar Cafaan ayaa iyana u muuqata mid tilmaanteeda mudan.

 

Wakhigan aan kulanka qurba joogta Makaahiil  ku jirray waxa aan ka war qabnay in xubno wasiirro iyo madaxda xisbiga Kulmiye isugu jiraa ay wadaan laaluush iyo kala fur fur ay kula dhex jiraan xubnaha ergooyinka golaha dhexe, shirarkuna ay u socdaan isdaba joog. Taasina aanay xisbiga waxba u soo kordhinayn. Balse haddii fiiro gaar loo yeelan waayo uu xisbigu ku danbayn doono xisbi lagu kala yaaco.

 

Annagu ka Makaahiil ahaan waxan danaynaynaa in dalka Somaliland isbeddel togani ka dhaco, xisbiganna waxan u doorannay ee aan boqolkiiba boqol u taageeraynaa in uu Musharraxa M/xigeenka noogu tartamayaa uu soo baxo. Si uu xisbigu u guulaysto.

 

Xisbigu sida dhaqanka xisbiyada waxa uu u baahan yahay cod mug leh, taageerayaal tayo leh iyo in uu dur duuro ku badiyo, balse uma baahna in uu god madhan ama goob cidlo ah  ku dhaco ama taageero ka dayo, oo uu barrito waayo cod iyo xoog uu ku faano.

 

Annagu haddii aan Makaahiil nahay cidna uguma faanayno badani, waxanse go’aansannay in aan u dhaqanno sida beelaha walaalahaya ahi u dhaqmayaan, magaca aan leenahayna aan difaacno, xukunka dalkana aan wax ku yeelanno.

 

 

Sidaasi daraaddeed, waxan ergooyinka golaha dhexe ee xisbiga Wadani ee berri shiri doona u sheegaynaa in aanay qaldamin, oo aanay hummaagyo khayaali ah iyo af-miinshaarro raac raacin. Waxanan uga digaynaa in aanu xisbiga gugiisii ama farxaddiisii noqon usbuucii la soo dhaafay ee kooxaha siyaasiyiinta ahi ku soo jabeen.

 

Hadal iyo gaba gabo, guusha Allaa haya, 400 ee ergooyinka golaha dhexese waa in ay u hiiliyaan xisbiga, balse waa in aanay u hiilin shakhsi ama aanay la meeqaam noqon pay as you go.

 

 

Somalidaa ku maah maahda HUNGURI WAD MA ARKO.

 

Wa Billaahi Tawfiiq.

Xoghayaha Beelaha Makaahiil

Mohamed Ahmed


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images