Awdalpress – Hargeysa – Xisbiga Waddani oo maanta uu u billowday shirkiisii guud ee muddada la sugayey, ayaa weli socda, waxana qorshuhu ahaa in uu berri Khamiista dhammaado, balse waxa farsamo ahaan lagu riixay oo dib loogu dhigay Sabtida, Isla maalintaa oo cod loo qaadi doono musharrixiinta ku tartamaya M/xigeenka.
Sida wararku nagu soo gaadhayaan waxa hadal haynta shirku u badan tahay musharrixiinta isku gobolka ka soo wada jeeda ee u tartamaysa M/xigeenka Waddani.
Loollankaa Musharrixiinta oo maraya meeshii ug adkayd, ayaa waxa badan dhaq dhaqaaqa lagu kala jiidanayo ergooyinka. Taageerayaasha Amb. Mohamed Ali iyo kuwa Ahmed Muumin Seedna waxa mid walliba uu sheeganayaa in guusha kama danbaysta ah.
Hase yeeshee, warar sugan oo gelinkii danbe ee maanta soo gaadhay shabakadda awdalpress, ayaa sheegaya in Amb. Mohamed Ali uu noqon doono musharraxa guusha hela.
Dad goob joog ku ah xarunta uu shirku ka socdo, arrimahana hoos hoos ula socda oo aan khadka telefoonka ku waraysannay, ayaa noo sheegay in hor fadhiyada ergooyinku ay isku raaceen in Amb. Mohamed Ali la qaato. Maaddaama uu wato taageerayaasha ugu badan ee gobollada galbeedka.
Ahmed Muumin Seed oo ku doodaya in uu isagu xaq u leeyahay kursigaa M/xigeenka oo uu xisbiga la soo dadaalay. Ayaa xisbiyiinta qaar dooddaasi u arkaan mid jaban, oo aan waafaqsanayn dastuurka iyo dimuqraaddiyadda uu Xisbigu hawshiisa ku maamulayo. Taasi oo ah in muwaaddin kastaa xaq u leeyahay in la doorto, isna uu wax dooran karo. Tartanka garoonka yaallaana uu ka tarjumayo dimuqraaddiyadda. Laakiin caddaaladdu aanay ahayn baryo amma yaan ya’ lagu wareeriyo ergooyinka. Maaddaama uu qof walliba xaq u leeyahay in la doorto ama in uu wax doorto.
Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa aan shaki ku jirin in labada musharrax uu mid soo bixi doono, ka kalena u hambalyeyn doono guusha saaxiibkii u soo hoyatay. Kadibna nin walliba uu hawsha xisbiga iyo dagaalka xooggan ee ku soo food leh dhiniciisa ka geli doono.
Taageerayaasha xanaaqsan ee kacsan, ayaa iyaguna marka Sabtida lagu kala baxo natiijada, qaarna farxad la gurya hoyan doonaan, kuwa kalena murugo iyo ciil. Laakiin haddana ayaamo dabadeed ka bogsan doona, isna hambalyeyn doona.
Awdalpress.



