Guddoomiyaha Golaha wakiillada isla markaan ah musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Mudane Abdirahman Cirro, guddoomiyaha xisbiga Waddani Mudane Abdirqaadir Ismail Xaaji Ismail jirde, hoggaamiyaha xisbiga Waddani mudane Xirsi Ali Xaaji Xasan iyo dhammaanba hoggaanka sare ee xisbiga Waddani, waxa ay tacis tiiraanyo leh u dirayaan Musharraxa M/xigeen ee xisbiga Waddani Mudane Mohamed Ali Aw Abdi iyo dhammaanba reer Ali Aw Abdi, oo ay ka baxday hooyadood Asha Abdi.
Waxana ay marxuumadda Ilaahay uga baryayaan in uu Jannadii ka waraabiyo, eheladeediina uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Aammiin








