Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Beelaha Habar Yonis iyo Arab oo xisbiga Kulmiye dhex dhigay kubbad colaadeed.

$
0
0

breaking-newsAwdalpress – London – Warar sugan oo shabakadda awdalpress.com ka soo gaadhay magaalada Hargeysa, ayaa sheegaya in Magaalada Hargeysa oo ay ka socoto ciyaarta Kubbadda Cagta ee gobollada Somaliland, ay maanta rabshado dhimasho keentay ay ka dhacdeen. Taasi oo ay ciyaarta maanta rabshaddu ka dhacday isaga hor yimaaddeen labada gobol ee Hawd iyo Daad Madheedh, oo ay kala degaan Habar Yonis iyo Arab. Sida la sheegayna ay ciidammo gaar ahi ugu horreyn intii aan ciyaarta la bilaabin u kala fadhiisiyeen reer reer, iyaga oo qof walba tohoyana.

 

Kadib markii ay cayaartii bilaabantay, ee goolal la kala dhaliyey, ayey ciidammadii si kama’ ah dadweynihii ciyaarta ku xammaasadaysnaa si badheedh ah ugu fureen qiiqa dadka kaga ilmaysiiya, kadibna dadkii oo argagaxsani buuqii is jiidheen, sida la noo sheegayna rasaas la raaciyey.

 

Khasaaraha dhimasho ee illaa immiga la soo sheegayo ayaa saddex qof  oo uu ilma shan jir ahi ku jiro. Dad badan oo kalena uu dhaawac soo gaadhay. Dadka dhaawacmayna waxa la sheegayaa in ay ku jireen dad ku gubtay qiiqii ay ciidammadu tuurayeen.

 

Sababta waxa loo tirinayaa in ay tahay mu’ammaraad ay ka danbeeyeen xisbiga Kulmiye, oo sida la sheegay doonaya in ay isku dhacaan labada beelood, oo ka mid ahaa beelihii ku walaaloobay xisbiga WADDANI. Sidaasi daraaddeedna, sidii la isaga hor keeni lahaa looga faa’iidaysanayo munaasabaddan cayaaraha.

 

Weli dawladdu kamay hadlin, xisbiga dagaalka ay kula jirtaana weli waxa uu ku hawlan yahay hubsiimada sidii ay wax u dhaceen iyo dhaawicinta dadkii ku waxyeelloobay shaqaaqadaasi.

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images