Awdalpress – Hargeysa – Madaxdii Kulmiye waxa ay maanta caddaysteen shirqoolkii iyo dagaalkii muddaba lagula jiray Dr. Jamaal Ali Hussein. Markhaatina waxa ka noqday shirkii UCID ee garabka Faysal Cali Waraabe, oo uu ka qayb galay guddoomiye ku xigeenka KULMIYE Col. Mohamed Kaahin.
Dr. Jamal oo horeba u ogaa ayaa daahir yaa shamis u arkay wixii uu muddaba ka hadlayey. Hadda ogoobay, waxaba maalmihii hore la hadal hayey in Dr. Jamal uu u heshiis la geli doono KULMIYE. Laakiin mar haddii ay tani dhacday, waxa iska cad in uu aqoon yahan Jamaal iyo taageerayaashiisu ay wada hadal la furi doonaan Waddani.
Dadka siyaasadda faaqida ayaa ka shikisan in madaxda sare ee KULMIYE aanay intooda badani daacad u ahayn Muuse Biixi amase ay doonayaan in doorashada laga helo. Xataa waxa laga shikisan yahay in aanu Muuse laftiisu ku kalsoonayn xukuumadda Siilaanyo.
Si kastaba ha ahaatee, waxa aan shaki ku jirin in aan Jamaal laga lib helayn.
Awdalpress.com





