Awdalapress – London – Shalay waxa magaalada Hargeysa ama Somaliland iyo caalamkaba ay dadku is warsanayeen laba arrimood, oo midi tahay doorashadii Maraykan ka dhacday ee lagu doortay Donal Truim iyo mid iftiimisay caddaalad darrada ka jirta Somaliland oo ay dawladdu u kala eexatay labada garab ee UCID ee muddadaba is hayey.
Waxana dadka reer Somaliland argagax iyo la yaab ku noqday, sida loo jabiyey sharcigii ay maxkamadda sare ka soo saartay khilaafkaa, iyo sida idha la’aanta ah ama badheedhka ah ee ay labadii garab midna ugu oggolaatay in uu shirkiisa qabsado midna xataa loo diiday Hotelkii ay qabsadeen, ee ay shirka ku qabsan lahaayeen.
Garabkaasi Jamaal oo lagu kallifay in ay dariiqa ku qabsadaan shirkii garabkooda.
Bal dooddaasi oo ay ka qayb galeen Ahmedweli Goth iyo Abdirahman Fidhin nala daawada:
Awdalpress





