Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Hoggaanka sare ee xisbiga Waddani oo uu hor kacayo guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Waddani ayaa xilkii iyo xubinnimadii xisbiga ka qaaday guddoomiye xigeenkii Koowaad iyo kii labaad ee xisbiga.

$
0
0

hotnewsAwdalpress – Hargeysa – Maanta oo bisha November ay tahay 14 sannadka 2016, waxa guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga Waddani Mudane Jirde, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee xisbiga ay xil ka xayuubin ku fuliyeen Ahmed Muumin Seed oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Waddani iyo Faarax Maxamed Abdulle oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii labaad ee xisbigaasi Waddani. Sida ay warsaxaafadeedka ka akhriyeenna waxa ay u cuskadeen xeerka anshax marinta xisbiga Waddani qodobka 37 farqaddiisa koowaad, xarafka B. Iyada oo ay ansixiyeen guddiga fulinta ee xisbiga Waddani,  oo uu guddomiyuhu isugu yeedhay, halkaana loogu codeeyey anshax marintaasi. Ugu danbayna waxa ay warsaxaafadeed ka hor akhriyeen xeerkaasi oo ay labadaasi mas’xuul ku waayeen xubinnimada iyo xilka guddoomiye ku xigeennada ay ahaayeen.

 

Siyaasi Ahmed Muumin Seed ayaa sidaa ku waayey xilkii labaad ee ugu sarreeyey xisbiga, xilkaasi oo uu soo hayey muddo sannaddo ah. Waxana sida la og yahay sabab u noqday, doorashii M/xigeenka ee uu waayey, kadibna ay cadhadii la gashay in uu ku biiro, garab aan sharci ahayn oo waa sida ay yidhaahdeene ka go’ay xisbiga, lana baxay garabka toosinta waddani.

Si kastaba ha ahaatee, waa tan sidii xilka looga qaaday labada mas’uul:

Awdapress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images