Guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee xilka laga qaaday mudane Ahmed Muumin Seed, ayaa maanta ka hadlay xilka laga qaaday, sifada lagaga qaadayna ku tilmaamay sifo sharci darro, oo baal marsan sharciga iyo nidaamka dawliga ah. Balse waxa uu hadalkiisa daba dhigay in Afar nin oo isku qabiil ahi xilka qaadeen. Hadalkaasi oo u eg mid cadho ka keentay.
Sida uu guddoomiye ku xigeenka xisbigu warsaxaafadeedka ka akhriyey warqad u qoran qaab sharci, ayaa si faah faahsan u bayaamiyey sifada ay u mareen xil ka xayuubintan labada mas’uul. Warqadduna waxa ay ku qorrayd lahjad adag. Markii uu Mudane Jirde akhriyayey warqaddaasina waxa bar bar taagnaa mas’uuliyiin sar sare oo xisbiga ka tirsan. Laakiin Ahmed Seed markii uu u jawaabayey cid aan isaga ahayni shaashadda kamay muuqan. Xataa guddoomiye ku xigeenka labaad ee sharciga la wada mariyey lama socon.
Taasi micnaheedu waxa ay noqonaysaa in uu Seed ku kaliyeystay halgankiisii ahaa, in uu tamceeyo hoggaanka xisbiga ee uu muranku soo dhex galay. Waxana la is weydiinayaa in ay siyaasaddiisa ciyaari u dhiman tahay iyo in uu halkaa ku khatimi doono. Inkasta oo ay dadka qaar hadal hayaan in uu geli doono xisbiga kale ee Kulmiye. Kaasi oo muddaba lagu xamanayey in uu xidhiidh hoose la lahaa.
Ahmed Seed waa nin edeb badan, dhawrsoon oo si fiicanna u matili jiray mansabka uu xisbiga ka hayey, hoggaanka uu ka mid ahaana si fiican ayey ugu ixtiraami jireen mas’uuliyadda uu xisbiga ka hayo, aadna way ugu dhaqaalayn jireen. Markii xaal is beddelay ee uu Ahmed Seed liqi kari waayey in laga badiyey doorashadii, ee uu hoolkii shirka dibadda uga boodayna, waxa uu hore ugu sii socday, tallaabooyin sii kala fogeeyey isaga iyo hoggaankii xisbiga. Sida ay hoggaanka xisbigu sheegeenna, waan waan loola tageyna wuu qacan-saydhay. Ugu danbayntiina garab hore uga duday xisbiga ayuu sheegtay in guddoomiye looga dhigay. Laakiin xaakimka dalka Somaliland oo arrintaa ka hadlay, ayaa caddeeyey in aanay wax dacwad ah ka qabanayn Ahmed Muumin Seed.
Si kastaba ha ahaatee, Ahmed Seed oo la ogyahay in ay odayada beeshiisu u hiilliyeen, isla markaana ka danbeeyeen khilaafka isaga iyo xisbigiisa soo kala dhex galay, ayaa u eg kuwo dib uga sii guranaya in ay Ahmed Muumin Seed wax la qabtaan, oo ay buuxiyaan kaalintii xisbigu uu ugu jiray.
Bal la arki doonee, Ahmed Seed tallaabada kale ee uu qaado iyo hiil uu ka helo wax garadkii iyo oday dhaqameedyadii hor boodayey, xilligii doorashada.
Awdalpress





