Madaxweynihii hore ee Masar oo lagu xukumay dil, ayaa maanta la joojiyey in xukunkaasi. Haddaba inta aydaan akhrisan warka hoos ku qoran, oo aan ka soo qaadannay BBC da, waxad nala wadaagtaan qudbad qiimo badan oo uu ka jeediyey Jamciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa. Xilligii uu madaxweynaha ahaa.
Maxamed Morsi ayaa diiday masuuliyada maxkamadaha Masar ay ku xukumayaan.
Maxkamadda sare ee Masar ayaa go’aamisay in la joojiyo dilkii lagu xukumay madaxweynihii hore ee Maxamed Morsi, waxayna amartay in dacwada mar kale la qaado.
Sanadkii hore, Mr Morsi ayaa lagu xukumay dil kadib markii lagu eedeeyay xabsi laga baxsaday waqtigii kacdoonkii 2011.
Mr Morsi oo ka mid ah xisbiga Akhwaan Muslimiinta ayaa ahaa madaxweynihii ugu horeeyay ee si dimoqraadi ah loo doorto kadib kacdoonkii Carabta.
Laakiin waxaa xukunka ka qaaday milatariga 2013-dii, kadib mudaaharaadyo looga soo horjeeday dowladiisa.
Tan iyo waqtigaas wuxuu u xiran yahay danbiyo kale oo lagu xukumay waqti dheer.
Awdalpress





