Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Muuse Biixi oo khaatiyaan ka taagan rag la sheegayo in ay qurbaha uga tegeen in uu wasiirro ka dhigo oo Siiraanyo kala hadlo.

$
0
0

MR. WASIIR DOON: Muusow isbeddel xukuumadda lagu samaynayo ayaa la sheegayaa, waanad ogtahay in wasiirkii reerkayagu aanu si fiican ula socon xisbiga KULMIYE ee Wasiir ayaan doonayaa!!!!

 

MUUSE BIIXI: Bal iga war sug, aan barri madaxtooyada tagee

WASIIR JUJUUB: Muusow golahayagii wasiirrada isbeddel ayaa lagu samaynayaa, waanad i ogtahay in aan si fiican ugu ololeeyo xisbiga KULMIYE, waxanse immiga is hella nin qaaliya, oo aan u malaynayo in aad saxaafadda kala socoto oo la yidhaa DANAYSTE.

MUUSE BIIXI: Waar dee waad i wareerisay, ee shaqadaada qabso. Warkan faraha badan ee beenta ahna iga daa. 

 

WASIIR JUJUUB: Waxan ka cabsi qabaa in uu ninka aan wadaa Waddani galo. Haddiise aan wasiir ka dhigno, tolkii ayuu kala jabinayaa.

 

MUUSE BIIXI: Waxan ku idhi, Waddani ha galee adigu shaqadaada qabso, haddii kale adaa lagu eryi. Waar bal qofkan eega.

 

________________________________________________________________________________________________

ciro-mus

Xilli walliba waxa uu leeyahay arrin danaysi oo gaar laga raadiyo. Dadka danaystayaasha ahina way kala yaqaannaan xilliyada la danaysan karo. Sidaasi daraaddeed, Somaliland xilligan waxa ka bilowday dabayshii doorashada, shakhsiyaad door ah ayaana lagu arkayaa Hotel-lada in qaarba dhinac ka raadinayaan dantooda mustaqbalka dhaw iyo ka fog.

 

Xisbiyada labada ah ee Waddani iyo Kulmiye ayaana baryahani weerar lagu hayaa, oo Hotellada Hargeysa loo kala bixi la.yahay xaflado soo dhaweyn ah. Oo xisbi walliba uu koox qabiil amma magac kale sheeganaysa uu soo dhaweynayaa. Kooxahaasi amma shakhsiyaadkaasi oo ballan qaadaya in ay xisbiga ku soo kordhin doonaan shacabka reerahooda amma lacag badan in ay xisbiga ugu deeqi doonaan.

 

Kulmiye oo ah xisbiga talada dalka haya oo uu hoggaamiye u yahay Muuse Biixi ayaa waxa hoos ordaya shakhsiyaad aan waxba u soo kordhin karin, wax ay ka bi’iyaan maahaane. Waxana shakhiyaadkaa gadhwadeen u ah wasiirro iyagu shaqo ka dhigtay in ay shaqadoodii kaga mashquulaan ololaha xisbiga Kulmiye. Ku darsoo wasiirradaasi, waa wasiirro madhan, oo cidlo ka jooga shacabka degaannadooda amma Somaliland.

 

Haddaba Muuse Biixi oo ka mid ah hoggaamiyayaasha miisaanka leh, ee haddana sida dhibta yar loo qaldi karo, ayaa khaatiyaan ka taagan sheekada WASIIR IGA DHIG anaa xisbiga samada geyne. Meelaha ay warka iyo arjiyada u mariyaanna waa wasiirrada iyo saxaafadda oo mar walba u kiraysan.

 

Laakiin Muse Bixi ayaa immiga sheekadaa fahmay, waxana uu bilaabay in uu shuruud ku xidho oo yidhaa, ‘ Horta nala halgama oo xisbigu ha guulaysto. Imtixaankaa ninkii ka soo baxa ayaa wax walba mudan.’

 

Xisbiga Waddani isaga waxa gala siyaasiyiinta miisaanka leh, ee aan dawladda Siilaanyo uga baahnayn mansabka, waxana mabdi’iisu yahay in loo siman yahay xisbiga, oo aan cidna laga lahayn. Mus danbeed adag oo miisaan lehina duddada ayuu u fadhiyaa.

 

 

Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa magaalada Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee Somalilandba caan ka ah sheekada……..HORTA AAN WASIIR NOQDO AMMA WASIIR AYAAN DOONAYAA. WAAYO WASIIRKA BEESHAYADA AYAA NIN JILICSAN AH.

 

Awdalpress

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images