Maanta oo wariyaha Awdalpress ee dalka Ingiriisku uu xog warran la yeeshay musharraxa M/xigeenka Waddani Amb. Mohamed Ali Aw Abdi, waraysigaasi oo daarranaa arrimo badan oo ku saabsan xisbiga Waddani iyo arrimaha ku xeeran ayaa sidan u dhacay:
Ugu horreyn waxa uu si miisaan leh hoosta uga xarriiqay in xisbiga Waddani uu doorashada ku guulaysan doono. Mar aan wax ka weydiinnay arrimaha uu ku sababayn karo guushaa uu ku suntay xisbiga uu musharraxa u yahayna waxa uu yidhi,’ Dhinac kasta oo aad xisbiga ka eegto, hadday tahay kaadarka hoggaanka u haya (oo aan odhan karo waxa Xisbiga Waddani hareeraha ka taagan haldoorkii ugu miisaanka cuslaa Somaliland ), dastuurka iyo qorshaha siyaasadeed ee xisbiga oo ah mid laga fiirsaday oo dhammaystiran, hab dhaqanka ay akhlaaqdu ku dheehan tahay ee ay hawl wadeennadiisu u dhaqmaan iyo guud ahaanba muuqaalka guud ee shacabka reer Somaliland uga muuqda xisbiga ama beesha caalamkaba, waxana ay intaasiba ku tusaysaa in xisbiga Waddani yahay xisbigii rajada Somaliland.’
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray, ‘ Xisbiga Waddani waxa uu udub dhexaad ka dhigtay caddaalad, wada lahaansho xisbiga la wada leeyahay iyo in uu bulshada ka u yar illaa ka u weyn xidhiidh fiican la yeesho, dhageysto, ururiyo xogta baahiyeed ee ay dadku tabanayaan. Arrimahaasi oo aanay labada xisbi ee kale midna lahayn. Sidoo kale annaga la nooguma yimaaddo danaysi amma mansab lagu meel gaadho. Dadka xisbiga ku soo qul qulayaana maaha kuwo dan dhaqaale leh, ee waa dad ay ka dhab tahay in uu dalka isbeddel dhab ahi ka dhaco.
Mar aan wax ka weydiinnay Guddoomiye ku xigeenkii kowaad ee la casilay Ahmed Muumin Seed iyo soo dhaweynta maanta Borama loogu sameeyey, waxa uu yidhi,’ Waxa malaha fiican in aanan waxba ka odhan su’aashaa, Ahmed walaalkay wuu tartamay waanu waayey, waxanan jeclaa in uu ku qanco natiijadii lagu kala baxay, laakiin muu yeelin. Markii danbena hoggaanka xisbigu waxa ay isku dayeen in ay wada hadal la furaan, waasu ku qacan saydhay. Intaa waxan ku dari lahaa qof wal oo reer Somaliland ahi, waxa uu xor u yahay in uu bulshada nashaad u sameeyo ama maaweeliyo, dimuqraaddiyadda dalka ka hirgashay ayaana u fasaxaysa. Laakiin ma aamminsani in uu jiro garab ka mid ah xisbiga Waddani oo sharciya. Waxanan jecelahay in mashruucaasi dhawaan soo afjarmi doono.’
Isaga oo hadalkiisii sii wata waxa uu ku daray, ‘Dalku waxa uu leeyahay saddex xisbi, waxanan u samaysannay in muwaaddin kastaa uu taageero ka uu is leeyahay faa’iido ayaa ku jirta. Laakiin xisbi kale oo sharci ah oo shacabku u bannaan baxaan ma jiro ama u ololeeyaan ma jiro, haddii lala yimaaddana maaha sharci. Ka xisbi ahaanna ma oggolin.’
Waxa aan wax ka weydiinnay socdaalkiisa uu immiga ku joogo dalka Ingiriisku ujeeddada uu daarran yahay, Waxana uu kaga jawaaabay, ‘ Bishan 12keedii ayaan soo gaadhay dalka Ingiriiska, waana dalkaygii labaad ee aan muddada dheer deggenaa, in aan dadkayga iyo asxaabtayda dalkan u dhalatay wada tashi la sameeyaana waxa ay ka mid tahay ujeeddada aan dalkan u imid, dalalka kale ee Yurubna haddii aan wakhti u helo waan tegi doonaa.
Ugu danbayn waxa aan weydiinnay in uu wax ka og yahay dib u dhigista doorashada, maaddaama abaaro ba’ani ay dalka ka taagan yihiin, waxana uu su’aashaa kaga jawaabay sidan: ‘ Horta dalkii Allaha sahlee, waxa ka taagan abaar aad u xun oo dad iyo duunyaba saamaysay, aniga oo wakhtiga ka faa’iidaysanayana waxa aan qurba joogta iyo qol qol joogtaba fari lahaa, in ay inta itaalkooda ah gurmad xoog leh ka geystaan abaartaa. Haddii aan su’aashaada u soo noqdo, waxa ay ila tahay in aan dib loo dhigayn doorashada, ee ay wakhtigeeda qabsoomayso. Taasi oo saddexda xisbi, komishinka iyo guddiga doorashaduba isku raaceen, inta aan soo maqanahayna ma jiraan wax iska baddalay.’
Gaba gabadii waraysiga aan la yeelannay Amb. Mohamed Ali Aw Abdi, waxa uu shacabka Somaliland ugu baaqay in ay kala qaybinta shacabka iyo wax kasta oo dalka dhib gelinaya ka digtoonaadaan. Ilaahayna talo saartaan. Wa Billaahi Tawfiiq.
Awdalpress






