Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

SIR CULUS: Xiisadda ka dhex taagan Dawladda Siilaanyo iyo Muuse Biixi

$
0
0

image00Awdalpress – London – Warar hoose oo aan ka kala helayno xafiisyada xisbiga Kulmiye iyo Madaxtooyada Somaliland ayaa tibaaxaya, in uu khilaaf xooggani dhex miranayo Musharraxa Madaxweyne ee Kulmiye Mudane Muse Bixi iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamoud Hashi. Waxana khilaafka loo aanaynayaa aayaha hoggaanka xisbiga Kulmiye. Oo aan la garanayn shakhsiga hanan doona.

 

Intii ka danbeysey shirkii guud ee Xisbiga Waddani, oo shacabka reer Somaliland u guuxeen, siyaasadda fur furan ee hoggaanka xisbigaasi la yimid, guddoomiye Cirrona ku dhiirraday in uu wareejiyo guddoomiyenimada xisbigaasi. Waxa isa soo tarayey in siyaasiyiinta dawladda iyo madaxda xisbiga Kulmiye qaarkood ay soo jeediyeen in Muse Bixi la yimaaddo siyaasad fur furan, oo uu wareejinayo guddoomiyenimada xisbiga, si bay yidhaahdeen uu xisbigu taageero uga helo bulsho ka badan intan immiga taageerta.

 

Laakiin waxa arrintaa ka gaws qabsaday Mudane Muse Biixi iyo ku xigeenkiisa Mohamed Kaahin, oo iyagu sir gaar ah isla og. Halka uu Wasiirka Madaxtooyada iyo taageerayaashiisu ay la soo fadhiisteen in uu Muuse Biixi warkiisa caddeeyo. Arrintaasi oo sii xoogaysatayna waxa xisbigii iyo dawladdii la kala safateen Muuse Biixi iyo Wasiir Maxamud Xaashi. Haddii xal loo waayana waxa ay raad xun ku yeelan doontaa is-bahaysigii beelaysnaa ee galbeedka Hargeysa iyo Gar’adag.

 

 

Labadan nin ee kala ah Muuse Biixi iyo Maxamud Xaashi oo ah laba nin oo mid walliba uu is biday in uu ka kale muquunin karo, dadkuna ay ku sheegaan rag cawaandiyiin ah, oo aanu midna ka kale waxba u ogeyn, isla markaana dhaqanka geel-jirenimadu ku badan tahay, ayaa xilligan waxa dhex miranaya cawsha. Sida wararku nagu soo gaadhayaanna waxa Wasiir Maxamud Xaashi doonayaa in guddoomiyaha xisbiga Kulmiye lagu soo wareejo xilligan, Muuse Biixina uu ku hadho Musharraxnimada, halka uu Musharraxa Madaxweyne ee xisbiga Kulmiyana uu doonayo in uu Mohamed Kaahin ku wareejiyo guddoomiyaha xisbiga.

 

Dhinaca kale waxa khilaaf xooggani ka taagan yahay, sida Muuse Biixi hoggaankiisu u arkaan qaabka loo marayo guul u soo hoyata xisbiga Kulmiye. Taasi oo iyana la dareemayo, in ay xukuumaddu doonayso qaab siyaasadeed oo ka geddisan sida hoggaanka Kulmiye doonayo. Sidaasi daraaddeed ayaa tallaabo kasta ama siyaasad kasta oo laga soo maleego Madaxtooyada Somaliland ay uga cadhaysiinaysaa hoggaanka Kulmiye.

 

 

Dib u dhigga doorashada oo aan la garanayn muddada dib loo dhigayo iyo agabkii doorashada oo aan dhammays tirnayn ayaa ah arrimaha wiiqaya Kulmiye, waxana hoggaanka Kulmiye jeclaan lahaa in inta goori goor tahay doorashada Madaxweynaha lagu kala baxo. Haddii dib loo sii dhigana ay dhaqaale ahaan iyo taageero ahaanba ay dhulka galayaan.

 

Isku soo wada duuboo, waxa aan shaki ku jirin ay uu jiro khilaaf qarsoon, oo aan la fogaysan karin in saxaafadda la isku kiraysto, oo qolaba qolada kale wareer iyo weerar celin ku qaaddo.

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images