Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wafdigii Zaylici iyo Muuse ay hoggaaminayeen oo Borama kala kulmay ceeb iyo dadkii oo u soo bixi waayey.

$
0
0

breakingnews-460x250Awdalpress – Borama – Wararka la xidhiidha wafi ay hoggaaminayaan Zaylici iyo Muuse Biixi oo maanta gaadhay magaalada Borama ayaa kala kulmay gego cidla ah, waxana ay u qudbadeeyeen dadkii watay gawaadhida faraha badan ee la socday iyo tira yar oo loo sii diyaariyey.

 

Sida la sheegayo, Muse Bixi ayaa aad uga cadhooday sida ka qabsatay Borama, lamana garanayo waxa uu kaga fal celin doono. Laakiin waxa u qorshaysan inta ay Borama joogaan in ay la kulmaan madax dhaqameedyada iyo siyaasiyiinta shaqo doonka ah oo beelaysan. Hoostana waxa laga xarriiqayaa in ay la kulmi doonaan koox taageerayaal u ahaa Ahmed Mumin Seed oo uu hoggaaminayo Suldaan Dhawal, oo la sheegayo in ay Kulmiye ku biirayaan. Dadkaa ku soo biiraya oo la isla ogaa, balse dadka laftiisu aanay ka war qabin wax lagu beddeshay.

 

Dhinca kale waxa u qorshaysan wafdigan in ay beelaha Makaahiil isku dayaan sidii ay u kasbadan lahaayeen, waxana ay ku beerlaxawsanayaan wax qabad iyo kuraas ay ku soo jiidanayaan. Dad ay shabakadda awdalpress.com ay arrintaa waxa ka waeydiisayna waxa ay u sheegeen, in la is bartay, oo aan dib la isku siri karin. Kii raba in uu danaystaana uu sheegan karo waxa uu doono, hase yeeshee, ay shacabku ka tashadeen xisbiga Kulmiye. Zaylicina aanay dib danbe u dooranayn. Sidaasina uu Muse Biixi ogyahay.

 

Dadweynaha reer Dilla ayaa iyana dhabarka u jeediyey wafdiga Zaylici iyo Muse Biixi, waxana la sheegayaa in habeenkii xalay ahaa uu wasiir Obsiye oo Dilla soo gaadhay uu ku mashquulsanaa in wafdiga la soo dhaweeyo. Laakiin maanta markii wafidigii Dilla soo caga dhigteen ay kala kulmeen si ka geddisa sidii hore loogu soo dhaweyn jiray. Woxoogaa shaqaale ah iyo carruur ayaana loo soo ururiyey. Degaannada Jaarraahoroto oo uu wasiir Obsiye ku dhaataana, hore ayey dhabarka ugu jeediyeen in ay taageeraan ninkii uu Wasiir Obsiye hore ugu shaabadeeyey in uu ahaa kii qixiyey ee xasuuqay dadka tobanaanka kun ah ee ku nool  jiidahaasi.

 

Nala jooga oo la socda wararka danbe.

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images