Awdalpress – London -Shir muddaba la sugayey oo ay ku ballansanaayeen Jaaliyadda beelaha Makaahiil ( Samarroon ) ee UK, oo ay hoggaaminayeen guddiga Beelahaasi ee la baxay DALLADDA MG GROUP, ayaa xalay ku qabsoomay magaalada London.
Waxana si mug iyo miisaan leh uga soo qayb galay dad aad u tiro badan, oo ka kala yimid London iyo gobollada dalka Ingiriiska. Sidan ayuuna u dhacay:
Ugu horreyn shirkan oo ahaa kii noociisa ah ee ugu horreeyey ee ay beelaha Makaahiil ( Samarroon ) ku qabsadaan dalka dibaddiisa ama gudahaba, ayaa ahaa kii ugu horreeyey, waxana muddo siddeed bilood ah ka soo shaqaynayey dhallin yar u istaagtay in ay suurta galiyaan qabsoomidda shirkan. ugu danbayna habeenkii xalay ahayd ayey ku guulaysteen in ay qabtaan shirkan.
Wakhti danbe oo 9kii fiidnimo ah ayaa shirku bilaabmay, hoolka lagu shirayeyna rag iyo dumarba waa la buuxiyey, intii aan la guda gelin qudbadihii oo si fiican uu Mustafe Hoorri u daadihinayey, ayaa ugu horreynba waxa shirkii lagu furay AAYADO QUR’AAN AH. Fu’aad oo ah guddoomiye ku xigeenka MG GROUO ayaana si rasmi ah u furay. Waxa warbixin iyo sababta shirka loo qabtay soo jeediyey Abdi A Amin ( Atom ) oo ka mid ah hawl wadeennada shirka ee guddiga MG GROUP, si fiicanna u bayaamiyey hadafka iyo yoolka ay leeyihiin, kadibna qudbadihii oo si daran doorri ah la isugu dhiib dhiibayey, ayaa si qurux badan loogu qaybinayey odayada, haweenka, aqoonyahannada iyo waxgaradka madasha fadhiyey oo u socday si qorshaysan oo habsan. Dhammaantoodna waxa ay is wada dul taageen sababta beelaha Makaahiil ay maanta u shirayaan iyo xilligan keentay waxa dadkoodii dareemayaan.
Waxa laga sheekeeyey, siyaasadaha qasan iyo kuwa lagu faa’iiday ee ka socda dalalka ay degaanka ku yihiin, oo ay si gaar ahaan ah farta ugu fiiqeen Somaliland. Si gaar ahna waxa looga hadlay ABAARAHA iyo QAXA ay sababeen ee maanta gobolkii Awdal degaanno ka mid ahi ay la ciir ciirayaan dadka abaaraha ka soo qaxay iyo xoolaha ay wataan oo u baahan kaalmo bani’aadninimo. Gurmad deg deg ah in dadkaa abaaraysan loo gurmado ayeyna si gaar ah u tilmaameen.
Si cad waxa ay u dhalliileen xukuummadda Somaliland iyo xisbiga Kulmiye ee dhabarka ka jabiyey shacabkooda reer Awdal, isla markaana caddaystay siyaasaddooda QAYBI OO XUKUNKA AH, waxana ay hoosta ka xarriiqeen in aanay dib danbe ugu dulqaadan doonin, dibin-daabyada iyo kala qaybinta ay ku hayaan shacabkooda. Isbeddel kasta oo lagaga hor tagi karo dhibta ay dadkoogu qabaanna ay taageerayaan. Waxana ay cambaareeyeen shirarkii ay xisbiga Kulmiye dadka kula qaybinayeen ee dhawaan ka dhacay Borama.
Odayada iyo dumarka hadlayba, waxa ay ka digeen in aan la sii fiirsan dhaawaca iyo madax jabinta lagu hayo dadkooda, iyada oo loo adeegsanayo dad danaystayaal ah, magaca gobolkana huwan, waxana ay ku baaqeen in si dhakhsa ah looga hor tago, siyaasadaha faashlka ah ee QAYBI OO XUKUNKA AH ama waxa ay ugu yeedheen qabyaaladda lagu kala qaybinayo reer Awdal ee ay hormoodka ka yihiin, siyaasiyiin, oday dhaqameedyada diciifka ah ee ka soo jeeda gobollada galbeedka. Oo ujeeddadoodu ay tahay muraad yar oo aan danaysi shakhsi dhaafsanayn, dadkoodana ay doonayaan in ay ku gumeeyaan.
Oday ka mid ah raggii ka hadlayey shirka ayaa ka dhawaajiyey, in aanu shirkani gooni u ahayn uun beelaha Makaahiil ee caawa shiraya, balse uu yahay badbaadada midnimada reer Awdal ee ku nool Somaliland iyo dhulyowga kaleba. isla markaana aanu shirkani ahayn mid wata cunuf qabyaaladeed oo dad gaar ah lagu beegsanayo.
Intaa markii la marayo, ee la wada faraxsan yahay, cunto iyo sharaafna la wadaagayo, ayaa hoos loogu dhaadhacay arrimaha siyaasadda gobollada Makaahiil dego, waxana ay maamullada dhulkooda ka jira u direen farriin isugu jirta salaan iyo in ay ka shacab ahaan isha ku hayaan waxa ka socda gobolladaasi, dadkooda gudaha joogana waxa ay ka codsadeen in ay soo dedejiyaan shirweyne ay kaga tashadaan aayahooda siyaasadeed, dhaqan iyo wada jir.
Aare Mohamed, Abdirahman Aleel iyo Hassan Muse Khalif ayaa iyaguna aad u soo dhaweeyey wada jirka uu Makaahiil isugu yimid, waxana ay hoosta ka xarriiqeen in dhinac walba la iska taageero, weliba hadday noqon lahayd siyaasadda ku wajahan gobollada Makaahiil deggan yahay, mawqif mid ahna laga yeesho.
Ugu danbayn, markii la soo gaadhay gaba gabadii, waxa la bilaabay in la wada farxo, la wada heeso, oo ciyaarihii dhaqanka sida Zaylicidii la wada ciyaaro.
Intii aan shirka la gaba gabayn, waxa hawl wadeennadii ay madashii shirka ka akhriyeen, wixii la isla afgartay, oo sidan u dhignayd:
- In la taageero MG GROUP, wada shaqayn joogtana ahna lala yeesho.
- In kulanno farxadeed oo joogta ah ay MG GROUP u diyaariyaan Jaaliyadda UK.
- In wada tashigu uu noqdo, mid ka soo fula gole baarlamaan oo mideeya Jaaliyadda UK, hormoodna ay ka yihiin MG GROUP.
- In laga midoobo wax kasta oo ay danta dadku ku jirto.
- Farriin loo diray waxgaradka dhulkii iyo caalamkaba kala jooga, waxana ay ka codsanayaan in shirar sidan oo kale ah la qabto.
Sidoo kale waxa ay MG GROUP ballan qaadeen in soo diyaarin doonaan, sharcigii iyo barnaamijyadii ay ugu adeegi lahaayeen bulsha weynta beelaha Makaahiil.
Gabagabadii waxa soo xidhay Guddoomiyaha MG GROUP Ahmednuur oo hadallo waafiya iyo duco ku soo khatimay
Awdalpress










