Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay dalka Yaman ayaa waxa ku naf-waayey dad lagu qiyaasay 40 ruux

$
0
0

Awdalpress – London – Ugu yaraan afartan askari ayaa ku dhimatay weerar ismiidaamin ah oo uu gaystay qof isqarxiyey oo ka dhacay magaalada dekadda leh ee Cadan ee Koonfurta dalka Yemen.

Weerarka oo ka dhacay goob ku dhaw saldhig ciidan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay askar kale oo fara badan, waxaana lala beegsaday askarta oo ku jirtay saf si ay u qaataan mushaarkooda .

Waa weerarkii ugu dambeeyey weeraro xiriir ah oo lagu beegsanayo ciidamada la qorayo dalka Yemen. Todobaad ka hor, xooggaga la baxay dawladda Islaamka ayaa ayaa ku dilay 50 askari magaalada Cadan, halkaas oo ay ka taliso dowladda caalamku aqoonsan yahay ee dalka Yemen.

 

BBC


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images