Bismillaahi Raxmani Raxiim.
BAAQ TAAGEERO
Annaga oo ku hadlayna magacaga dalladda Makaahiil ee UK, waxa aan marka hore salaanta islaamka ku salaamaynaa hoggaanka Beelaha Makaahiil ( Gadabuursi ), ee u istaagay sidii ay u midayn lahaayeen talada beelahaasi. Waxanan ku bogaadinaynaa go’aanka ay ka qaateen af-hayeennimadii iyo Guddoomiyihii ku meel gaadhka ahaa ee beelaha Gadabuursi u doorteen Suldaan Dhawal. Oo aan awal hore ku jirin xeerarka iyo dhaqanka beelaha Samarroon.
Haddii aan nahay guddiga Beelaha Makaahiil ( Samarroon ) ee deggen dalka Ingiriiska, waxan go’aankaa u aragnaa mid aan lagu deg degin. Sababta ay go;aankaasi u qaateenna uu sax ku yahay sida ay odayadu caddeeyeen ee ah, in uu Suldaanku ku milmay Siyaasadda iyo wax la mid ah. Annaguna sidaa si la mid ah ayaan ugu qanacnay,
Ugu danbayn, waxan dadkayaga gobolka Awdal qaybihiisa bulshada ee kala ah; hoggaanka dhaqanka, culamaa’u diinka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka kaleba ugu baaqaynaa, in ay ka foojignaadaan wax alla wixii keeni kara isku dhac iyo ammaan darro amma colaad sokeeye. Xaalaadka ammaan iyo siyaasadaha gobolkana ay si wada jir ah uga feejignaadaan.
Dadka reer Awdal may ahayn dad loo kala abtiriyo, dad lagu kala qaybiyo beelo iyo reero. Laakiin way dhacday, wayna dhici doontaa. Ceebna maaha in urursado wanaag la isku urursado, balse waa in uu is urursigaasi noqdaa mid ummadda u horseedaya horumar iyo kalgacalo.
Ahmednuur Qalinle
Guddoomiyaha Dalladda Makaahiil ( Samarroon ) ee UK






