Awdalpress – London – Ra’iisul wasaaraha dalka Japan ayaa booqday saldhiga ciidammadda badda ee Pearl Harbor ee dalka Maraykanka, halkaas oo uu ka jeediyay “tacsi laabta ka soo go’day” oo ku aaddan askartii Maraykanka ahaa ee ay waxyeelladu ka soo gaadhay weerarkii uu Japanku ku qaaday 75 sano ka hor.
Wuxuu sheegay in dadkiisu ay wacad ku mareen in aan dib loogu noqonin masiibadii dagaalka.
Rai’iisul wasaare Abe waxaa ku weheliyay booqashadaas madaxwaynaha dalka Maraykanka Barack Obama taas oo ka dhigan in markii u horaysay ay booqdaan labada masuul ee dalalkaasi.
Japan ayaa waxyeelo baaxad weyn gaadhsiisay saldhigaas isaga oo dilay in ka badan 2,400 oo ruux oo Maraykan ah.
‘Isbahaysiga rajada’
Ra’iisul wasaraaha Japan ayaa Maraykanka ku ammaanay dadaalka uu galiyay sidii uu u hagaajin lahaa calaaqaadka uu Japan la leeyahay ka dib dagaalkii ay labada dal galeen oo dhamaaday waxyar uun ka dib markii uu Maraykanku ku riday Japan qunbulado nukliyeer ah bishii sideedaad ee sanadkii 1945-tii.
Isbahaysiga ay labada dal yeesheenna waxa uu ku tilmaamay “isbahaysiga rajada”.
BBC






